Maxamed Biixi Yooniskii Xilkiisa U Saqdeeyey Xirsi Jacaylka Oo Faro Madhnaan Ka Jooga Hankiisii Saqiiray Iyo Xisbigii Garba Duunka Loo Keenay Oo Uu Banyaal Ka Noqdey

0
929

Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis oo ka mid ah hogaanka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo muddo dalka ka maqnaa ayaa socdaal habar wacasho ah dalka ku soo laabtay wuxuuna si malo awaal ah uga hadlay socdaalo dhuumasho ah oo dalka kaga maqnaa

Ugu horayn Siyaasi Maxamed Biixi Yoonis oo ka waramaya safarkii uu dibada ugu maqnaa iyo waxyaalihii uga soo qabsoomay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan tagay laba goor wadanka la yidhaahdo Ivory-Coast oo uu ku yaalo Baanka Horumarinta Afrika (ADB), waa meel aan madax ka ahaan jiray, waa meel markii ugu dambaysay sideed milyan oo dollar oo biyahaa aynu maanta cabayno aan uga soo qaaday, markii waddankan la soo galay waa meeshii aan saddexda milyan uga soo qaaday oo lagu maalgaliyey meelahaa aad arkayso ee dadka naafada ah cagaha loogu sameeyo iyo inamadii Uffo. Maantana waxaan ugu tagay Bangiga Horumarinta Afrika inay wax inagala qabtaan abaarahaa soo noqnoqonaya ee isdaba taagan inay mashaariic kale ina siiyaan.” Ayuu yidhi Siyaasi Maxamed Biixi Yoonis, waxaanu intaasi ku daray “Waxa saddex jeer ayaan ku noqnoqday Nairobi oo aan la kulmay beesha caalamka iyo Qaramada Midoobay, waxaan iyagana kala hadlay sidii Somaliland wax loola qaban lahaa, waxay eegayaan in maanta ay dhacdo doorasho xalaal ah oo nabad ah oo aynu ku dhaqano, waxaan filayaa Illaahayna aan ka baryayaa inay si khayr leh inoogu dhacdo.

Waxaan doonayaa inaan idhaahdo Maxkamada Sare, Komishanka Doorashooyinka iyo cid kasta oo ku shaqo lehi inay cadaalada illaaliyaan, waad arkayseen maalintii dhaweyto markii aanu la kulanay Raysal Wasaaraha Ethiopia waxyaalo badan ayaanu ka wadahadalnay, caalamka aadbaanu ula soo hadalnay, waxaanu isleenahay xisbiga kaliya ee maanta keeni kara, Ictiraaf horumar, dhaqaalaha oo la kobiyo waa Waddani, waad arkaysaan sida loogu soo qulqulayo oo Nacnac ayaa ugu dambeeyey oo odaygeenii ahaa oo maanta yimid iyadoon cidiba hadhin. Markaa waxaan isleeyahay hadiiba uu Nacnacna ka soo baxay Kulmiye waxaan isleeyahay inta ku hadhayna way ka soo baxaysaa, tulaayeeyna wax aleyaale iyo wax ay taraysaa ma jirto, anagaa labada beelood ee la sheegayo ka mid ah mana ogolin waxyaalaha lagu dhaqmayo ee dadkaa lagu kala qaybinayo, qabyaalad iyo qarana meel ma wada galaan.

Waxaan qabaa ninka maanta adeegsanaya ee doonaya inuu dadkii kala qaybiyo oo beelihii reer Somaliland uu kala qaybiyo oo uu labana dhan u xidho laba kalena dhan u xidho inay tahay wax nasiibdaro ah, waxay u muuqataa ninka waxaa wadaa inuu qori dable la wareegayo.” Ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here