Hogaamiye xirsi ayaa barmadow ku noqdey kaambaynkii ololaha waddani wuxuuna nashuushadeeyey guddiyadii kaambaynka ee gobolada ilo xogogaala oo wargeyska sahan helayo ayaa tibaaxaya in xirsi isku cuna duubay guddiyadii kaambaynka ee xisbigaasi iyadoo 28 cisho ka hadhsan yihiin ololihii xisbiyada kula hananayeey quluutba shacbiga waxaana soo ifbaxaya wajiyo isdiidan oo garabyo u kala fadhiya. Waxaana ilaa hada ay tahlikari layihiin inay magacaabaan guddiyadii kaambaynka oo lagu soo koobay afar ruux halka shaqsiyaadkii kale la inqilaabay inay u debad baxaan. Waxaanay wararku intaa ku darayaan in hogaamiyaha waddani dabrayo ololaha xisbiga waddani ilaa murrashaxa waddani cadeeyo in guddoomiyaha rasmiga ah isaga yahay taas oo sabab u noqon karta inuu codka beesha bariga burco badh helo maadaama mar walab su,aashaasi hortaalo , cabdiraxmaan cirro ayaa xaalkiisu noqdey xaydha jecli beerka jecli wuxuuna laba kaadh kula kala ciyaarayaa garoonka guddoomiyaha isagoo mid walbana ku dhabar taabtay in iyagu guddomiyaha rasmiga yahay halka nusdambeedka waddani ku talo galiyeen inanu cidna usaxeexi karrin maadaama aaney doonayn in xisbigu si fudud gacantooda uga wareego waxaaney sheegeen inay doonayaan in markale haddi ay kursiga seegaan ay isa soo taagaan bale haddi ay hadda wareejiyaan aaney heli karrin marinkana seegayaan. Dhanka kale beelaha gobolka hawd oo ku daba fayshay siyaasada murrashax cirro ayaa quud daraynaysa in lagu wareejiyo guddoomiyaha halka buudhi madhan la saaray xildhibaan cabdiqaadir jirde oo isagu batalaya inuu qaadanayo guddoomiyaha xisbiga waddani. Murrashaxa cirro ayaa ilaa imika ka go,aan qaadan labada lafood ee isku jabinayo waxanay noqon doontaa go,aan xumo weydaarin doonta damaca qasriga.