Xildhibaan Bidhi oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka degmada burco kuwooda ugu cad –cad ayaa isku kala bixiyey olalihii xisbiga kulmiye ee gobolka togdheer wuxuuna bilaabay olole lafdhuun gashay ku noqdey xisbiga mucaaradka ah ee waddani. Xildhibaan bidhi oo toddobaadkan si aan kala go lahayn xafiisyo uga furayey magaalada burco ayaa joog iyo jiifba u diiday xisbiga waddani inay fooda soo galiyaan magaalada burco. Waxaaney bilaabeen inay tashuush ku furaan dhegaha shacabka burco iyo xisbiga kulmiye kuwaas oo miciin bidey inay soo faqaan muuqaalo bari hore ah oo ay bulshada uga dhigayaan mid imika ah waxaaney ku tusaysaa awood darida xisbiga mucaaradka ah ee waddani burco u taala. Xildhibaan bidhi oo ka mid ah gudida kaambaynka burco ayaa joog iyo jiifba u diiday xisbiga waddani oo rajo bidayey ka hor intaan lama gacaabin inuu ku soo biirayo xisbigooda waxaney ku noqotay dhedo roob noqon weydey. Xubno ka mid ah xisbiga waddani oo itaalku soo titay ayaa dhexda u xidhay inay anaaniyad ku furaan dhageha shacabka burco iyagoo anaaniyad midabo badan leh ku xasaradeynaya inay wiiqaan awood ay u arkayaan inay hortaagan tahay rajada ay qasriga ku doonayaan inay ku fuulaan oo dhaq-dhaqaaq ka samayn kari la waxaana awood darida xisbiga waddani loo nisbeeyey arbeedyo aan awood badan ku lahayn ama aan aqoon ulahayn ololaha doorashada.
Xildhibaanka ayaa masuul dhexda u xidhay sidii uu usoo saari lahaa murrashaxa kulmiye muuse biixi cabdi oo uu sheegay inuu codkiisa iyo cududiis isugu geeyo sidii uu usoo bixilahaa murrashaxa kulmiye wuxuuna xisbiga waddani ugu ku fooladeeyey in burco lagu kala baxay isla markaana ninkii wax isla hayaa ay iskeenan taas oo cabsi badan ku abuurtay hogaanka waddani oo rajo beel ah.