Diyaarad ayaa ku burburtay badda Dalka Ivory Coast, wax yar uun ka dib markii ay ka kacday gegida caalamiga ah ee diyaaradaha ee Caasimadda Ivory Coast ee Abidjan.
Warar ka soo baxaya Shilkan, ayaa sheegaya in dhowr qof ay dhinteen kuwo kalana ay dhaawacmeen Diyaaraddu markay ku soo dhacday Badda Ivory Coast.
Waxa ay aheyd diyaarad nooca xamuulka qaadda ah oo shixnd u sidday Milletariga Faransiiska, siday ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah ay xogtaas u sheegeen Warbaahinta Koaci.
Roob mahiigaan ah ayaa sababay in diyaaraddu ay soo dhacdo iyadoo burburkeeduna uu ku soo caariyay meel u dhaw xeebta Port-Bouët.
Ugu yaraan afar qof ayaa dhintay, sida uu qof goobjooge ah u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.
Kooxaha badbaadada ayaa diyaaradda ka soo bixiyay laba qof oo Meyd ah halka laba Meyd oo kalena lagu dhex arki karo burburka sida Wakaaladdu sheegtay. Wararka kale ayaa sheegaya in dhowr xubnood oo ka tirsanaa shaqaalaha diyaaradda ay badbaadeen.