Madaxweyne Trump Oo Laga Cabsi Qabo Inuu Ka Baxo Heshiiskii Iiraan

0
804

Xog-hayaha arimaha dibadda ee Maraykanka, Rex Tillerson, ayaa wadatashi la lahaa dhiggiisa reer Yurub iyo Shiinaha ka hor inta aanay soo bixin warbixin laga filayo madaxweyne Trump oo ku saabsan heshiiskii nukliyeerka.

Af-hayeen u hadashay wasaaradda arimaha dibadda Maraykanka ayaa sheegtay in Tillerson madaxdaa uu la kulmay talo wadaag ula tagay oo uu soo jeedintoodana dhegaysanayo.

Waxa jira walaac mug leh oo ay xulufada Washington qabaan kaas oo ah in ay Trump odhan karo in aanu diyaarba u hayn in la meel mariyo heshiiskaas oo Iran ku aqbashay in ay hakiso barnaamijkeeda nukliyeerka, iyadana cunaqabataynta saaran badhkeed laga qaado.

Trump, ayaa se heshiiskaa ku tilmaamay mid ba’an oo xun, laakiin xulufadiisa iyo xubno ka tirsan maamulkiisu waxay sheegeen in ay Iran dhinaceeda ka fulisay heshiiskaa, waxaany isna ku boorinayeen in uu arinkaa uu damacsanyahay ka fiirsado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here