Xisbiga WADDANI oo labadii habeen ee udambeeyey ku shawrayey magaalooyinka hargeysa iyo burco ayaa dhigayey dhitooyin lagu kala fogeynayo jeegaantii hankooda hoga maddow ku riday waxaana siyaasiyiin uu hor kacayo siyaasi siciid sulub oo ka mid ah Nusdambeedka aan kicin ee shaxda ku qatala gudaha waddani iyo xulufo madaxda dhaqanka beesha murashaxa cirro u badan ayaa qorsheeyey shax lagu kala kicinayo heshiiskii ka nixiyey ee burco.
Kaas oo lafdhuun gashay ku noqdey damaca qasridoonka xulafada guddoomiye cirro waxaana soo ifbaxay dagaal culus oo ay ku doonayaan xisbiga waddani in aan sii socon isbahaysiga siyaasiga ah ee bahweynta jeegaantu is aaney jalaafo ugu dhigin hankooda laba garoocan kuwaas oo doonaya inay isku jabshaan beelaha bariga burco iyagoo adeegsanaya siyaasiyiin jeeb shiish ah iyo kooxo laabta ka jecel inay noqdaan ama raacaan tareenka dhaqanka oo ay la aayeen albaab ay ka soo galaan waxaana labada shax lagu kala ciyaarayaa qorshe lagu maal galinayo koox jeeb shiish ah oo dhoosha laga tusay tirro dollar ah si ay qalalaase uga dhex abuuraan beelaha bariga burco waxaana la dhigay inay qabtaan shirar isdaba joog ah shirar jaraa,id oo ay ku mijahababinayaan heshiiska jeegaanta halka kooxda kale ee damaca dhaqanku laabtooda uurdooxay lagu jabinayo sidey u aflagaadeyn lahaayeen salaadiinta iyo in ay weyd ka dhigaan heshiiskii hurdada u diiday waddani. Qorshahan oo lagu nidar maray in bur-burkiisa laga shaqeeya ayaa haddii ay suura gal noqoto waxaa dhici doonta in cod badani seego murashaxa waddani. Ilo xogogaala oo aan helayno ayaa intaa ku daraya in wajiyo kala midab ah uu ku ciyaarayo hogaamiyaha xisbiga waddani xirsi cali xaaji xassan kaas oo nashuushadeynaya dhegaha shacabka burco si ay ugu suurto gasho xeeladiisa siyaasadeed ee uu ku joogi karro barada waddani.
Xadhko taxan hargeysa ilaa burco ayaa ah mid lagu raacayo shaxo lagu taakaynayo siyaasiyiin bariga burco ah oo shiishkoodu shaamareer ku riday waddani.