Karooshi waa cudur cusub oo ka bilaabmay dalkaasi Japan, waxaana la xaqiijiyay in guud ahaan dalalka Dunida saddexaad aanay aqoon u lahayn, cudurkan ayaa la ogaaday kadib markii gabadh u dhalatay dalkaasi Japan ay u geeriyootay si kedis ah sababtana waxa lagu sheegay inay ahayd shaqadeeda oo si xad dhaaf ah u badnayd.
Erayga Karooshi ayaa ah eray Japan ah oo macnihiisu yahay dhimashada ka dhalata shaqada xad dhaafka ah ee uu qofku qabto, dadka ku dhaqan dalalka Japan iyo China ayaa cudurkaasi aad u yaqaana sababtuna waxay tahay dadyawga ku dhaqan dalalkaasi oo aad u jecel inay saacado aad u badan shaqeeyaan, sidaasi awgeed digniinta ay dhakhaatiirta dalkaasi Japan u direen dadka ku nool dunida saddexaad ayaa ah inay ka digtoonaadaan xanuunkaasi oo sababtiisu tahay inuu qofku shaqeeyo saacado xad dhaaf ah.