Magafayaashii Tahriibin Jiray Dhalinyaradda Oo Ay God-kooda Loogu Soo Dhacay”

0
1479

Wararka Naga Soo Gaadhaaya Dalka Libiya Ayaa Sheegaya in La Xidh-Xidhay isla Markaana La Gala Wareegay Dadkii Ay Tahriibinayeen Qaar-na Ay Baxsadeen Oo Lagu Raad Joogo Magafayaashii Dhiigya Cabka Ahaa Ee Saldhigoodu Ahaa Dalka Libiya ”

Kadib Markii Ay Midawga Yurub. Maraykanka iyo Qaramada Midoobay Ay Isla Qaateen in Tahriibayaasha ku Qul-Qulaaya Yurub iyo Maraykanka Wax Lagaga Qabto inta Ay Africa joogaan”

Waxaana La Qorsheeyey in La Sameeyo Xerooyin Qaxoonti Oo Ku Kala Yaala Sadexda Dal Ee Libiya Ugu Dhaw Ee Ay Nabaduna Ka Jirto”

sidoo Kala-na La Baabiiyo Oo Meesha Laga Saaro Silsilada Isku Xidha Dadka Tahriibaaya Oo Ah Magafayaasha”

Xerooyin-kan Qaxoonti Ee La Samaynaayo Waxaa Wakhti Dheer Lagu Hayn Doono Tahriibayaasha Si Qul-Qulatooyinka Tahriib-doonka ah Looga Bad-baadiyo Yurub iyo Maraykanka Oo Hada La Ciir-Ciiraaya Dad Soo Galootiya ”

Qorshahan Ayaa Imikaba Saameeyey Dhalinyaro Badan Oo Soomaaliya Oo Libiya U Joogay In Ay Ka Tahriibaan”

Dhalinyarada Somaalida Ayaa Wallaac Ka Muujiyey Qorshahan Laga Fulinaayo Albaabka Laga Galo Waddamada Yurub Ee Liibiya”

Mashruucan Ayaa Hadii Uu Hirgalo Waxa Uu Dhiig Joojin U Noqon Doonaa Dhalinyarada Somaaliyeed Ee Naf-tooda Ku Halaagaaya Badwaynta Halista Badan Ee U Dhexaysa Libiya iyo Talyaaniga”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here