Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo socdaal shaqo ku jooga waddanka Itoobiya.
Wakaallada wararka ee Itoobiya ee ENA, ayaa warbixin ka qortay kulanka Ra’iisul-wasaare Hailemariam Desalegn la yeeshay Weftigii Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, warkaasi oo ay ciwaan uga dhigtay “Itoobiya iyo Somaliland kor u qaadaya Cilaaqaadkooda”.
“Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn iyo wefti ka socday Somaliland ayaa falanqeeyay sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ka dhexeeya labada dhinac. Itoobiya iyo
Somaliland ayaa iska kaashada dhinacyada Ganacsiga, Kaabeyaasha dhaqaalaha iyo arrimaha nabadgelyada.
Kulankii maanta dhexmaray Ra’iisul-wasaare Hailemariam iyo weftiga Somaliland ee uu hoggaaminayay Guddoomiyaha xisbal xaakimka KULMIYE ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa lagu lafo-guray sidii si horleh kor loogu qaadi lahaa cilaaqaadka labada dhinac.
Waxa shirkan lagu gorfeeyay doorashada Somaliland ka qabsoomaysa iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga Somaliland iyo Itoobiya ee ku wajahan Ganacsiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, nabadgelyada iyo qodobbo la xidhiidha dekedda.
Sida uu wakaallada ENA u sheegay madaxa warbaahinta ee xafiiska Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, Zadg Abreha, waxay labada dhinac ka wada hadleen sidii loola diriri lahaa argagixisada oo ay ka mid tahay Al-shabaab iyo in iskaashiga Somaliland iyo Itoobiya kor loogu sii qaado.
Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa u caddeeyay ENA in weftigoodu ay wadahadallo wanaagsan la yeesheen Ra’iisul-wasaare Hailemariam oo isla soo qaadeen taabogelinta xidhiidhkii jiray ee u dhexeeyay Itoobiya iyo Somaliland. Maxamed Kaahin waxa uu intaas ku daray in Somaliland ay doonayso in iskaashigii ay la lahayd Itoobiya ee dhaqaalaha iyo siyaadadda la sii ballaadhiyo, waxaanay sii adkayn doontaa cilaaqaadka labada dhinac gaar ahaan ganacsiga iyo nabadgelyada.”