Guddoomiyaha, ahna Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo tartan ugu jira in loo doorto Kursiga Dalka ugu sarreeya, ayaa Shalay kulan Su’aalo lagu waydiiyey ku qabtay Hargeysa.
Mudane Cabdiraxmaan-Cirro, ayaa waxa Madal furan Su’aalo ku waydiiyey Xubno ka mid ah Suxufiyiinta Reer Somaliland ee ka hawl-gala Hargeysa, gaar ahaan Suxufiyiinta ka warrama Telefiishannada, hasa-ahaatee waxa Musharraxa WADDANI aanu Madashaa Su’aalaha lagu waydiiyey ku Casuumin Bahda Wargeysyada ka soo baxa Caasimadda Hargeysa.
Qoraal kooban oo Xisbiga WADDANI uu Internet-ka ugu soo diray Saxaafadda ayuu ku sheegay in kulanka Su’aalaha lagu waydiiyey Cirro ay Codsadeen Bahda Saxaafadda Somaliland, wallow aan halkaa lagu Marti-qaadin hal Weriye oo ka socda Wargeysyada, sida ka muuqata Sawirro la socdey Qoraalka Xisbiga oo ku koobnaa Sawirrada Weriyeyaasha Telefiishannnada qaarkood.
Musharraxa oo su’aalaha la waydiiyey iyo Jawaabaha uu ka bixiyeyba uu isla Xisbiga WADDANI duubay, isla-markaana aan illaa Xalay laga baahinin Telefiishannada kala duwan ee Hawl-wadeennadooda goob-joogga ahaayeen, ayaa waxa Bahda Wargeysyadu ka qabaan Su’aal ah ‘in Musharraxa WADDANI uu ka maarmay Wargeysyada Caasimadda ka soo baxa iyo in kale, maaddaama oo aanu hal Xubin oo ka socota Wargeysada ku casuumin Madashii Su’aalaha lagu waydiiyey waxaana qoraalka xisbigu ku faafiyey warbaahinta lagu sheegay in wargeysyada dalku goobjoog ka ahaayeen taas oo la inkiray bahda wargeysyada dalka ka soo baxa lagana been abuuray’.