Hoggaamiyaha mucaaradka ee dalka Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in isaga iyo ku xigeenkiisa Kalonzo Musioka ay ka hadheen tartanka doorashada madaxtinimada ee la qaban lahaa dhammaadkan bishan”.
Raila Odinga ayaa sheegay in go’aanka uu ku dhashay markii la aqbali waayey dalabaadka mucaaridka ee wax ka badalka guddida doorashada.
Guddiga doorashada dalka Kenya ee IEBC ayaa kullan degdeg ah yeelanaya ka dib markii Raila uu ku dhawaaqay inuu tartanka ka hadhay.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo olole siyaasadeed ku jira ayaa sheegay “dhib kuma qabno doorasho lagu noqdo. waxaan hubnaa in aan heleyno codad ka badan ku wii hore.”
Isbeheysiga Mucaaradka ee Kenya ayaa dalbaday in qaar ka mid ah xubnaha guddiga doorashada la badalo.
Raila Odinga ayaa sheegay in “go’aankoodu uu ahaa in doorashada ku celiska ah lagu qabto hannaanka ay maxkamadda amartay, kaas oo uu dhigayo dastuurka”.
Qoraal ay soo saareen hoggaamiyayaasha mucaaradka waxay ku sheegeen in “IEBC ay si ula kac ah uga hor timi isbedelka muhiimka ah si loo xaqiijiyo in doorashada 26-ka bishan ay noqoto mid xor iyo xalaal ah”.
Waxay guddiga ku eedeeyeen in uu yahay meel uu maamulo xisbiga talada haya ee Jubilee.
“Doorashada keli ah ee Jubilee ay aqbalayaan waa mid ay iyagu ku guuleystaan,” ayuu sheegay Raila oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa.
Waxay guddiga ugu baaqeen inuu joojiyo hannaanka qabashada doorasho ku celis ah, ayna billaabaan hannaan cusub oo doorasho lagu qabto.
“Waxaa cad in is bedelka uu yahay mid wax lagaga qabanayo qaladaadkii ka dhacay doorashii horraantii August. Waxaa taas sabab u ah in la adeegsanayo in markale doorashada soo socoto lagu shubto,” ayey sheegeen mucaaradka Kenya ee NASA.
“Is bedel la’aan doorasho ma dheceyso,” ayey ku dhawaaqeen hoggaamiyayaasha mucaaradka ka dib markii ay shirka jaraa’id dhammeeyeen.
Waxay ku dhawaaqeen dibadbax ballaadhan oo beri ka dhici doono Kenya oo dhan oo ay ku dalbanayaan is bedel lagu sameeyo hannaanka iyo guddiga