Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ,Kim Jong-un,ayaa walaashii u dalacsiiyay jago sare oo ay ka qabanayso xisbiga ka taliya dalkasi.
Kim Yo-jong oo dadeedu tahay 30 jir ayaa loo magacaabay in ay xubin ka noqoto golaha sare ee gaadha go’aanda lagu dhaqayo dalkaasi Kuuriyada waqooyi.
Ms Kim ayaa waxa ay saddex sano ka hor ahayd sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga talada haya.
Kim Yo-jong ayaa jagadan kala wareegaysa eedadeed oo horey u haysay xilkan.
Mareykanka ayaa hore ugu daray Ms Kim liiska saraakiisha Kuuriyada Waqooyi ee lagu eedeeyay in ay masuul ka yihiin tacadiyada xuquuqda aadanaha ee ka dhaca Kuuriyada Waqooyi.
Dalacsiinteeda ayaa waxaa ku dhawaqay Mr Kim oo shaacinayay isku shaandhayn lagu sameeyay saraakiisha sarsare ee dalkaasi.
Khubarada u kuur gala arrimaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegaya in talaabadan ugu dambaysay ay muujinayso sida ay uga go’an tahay qoyska Kim Jong-un in ay sii haystaan talada dalkaasi.
Dalacsiinta Kim Yo-jong oo la dhalatay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa ku soo beegmaysa xilli ay kacsan tahay xiisada gacanka Kuurriya.
Qoyska Kim ayaa xukumayay Kuuriyada Waqooyi tan iyo intii la asaasay dalkaasi sanaddii 1948