Murrashax Faysal Cali Waraabe Oo Mataanaysiiyey Murashax Cirro Iyo Hogaamiyaha Ruuxiga Ah Ee Aaminsan Diinta Budhistanka

0
673

Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah e UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa markii u horaysay falanqayn ku sameeyey calanka midabka liimiga ah ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI iyo halka laga soo ikhtiraacay waxaana uu sheegay in calanka WADDANI uu la mid yahay marada liimiga ah ee ay xidhaan dadka aaminsan Diinta Budiisamka oo ah dad aan tiirna haysan waxaan diintaasi aaminsan dad ka mid ah wadanka Shiinaha.
Sidoo kale Murashaxa xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa sheegay in baadariga diinta Budhisti-ha iyo murashaxa xisbiga WADDANI Cabdiraxman Cirro ay isku eeg yihiin dhinca muuqaalka. Madax xiirashada iyo qosolka faraha badan waxaana arintaasi qosol iyo fiirsasho cusub ka dhex dhalisay shacabkii madasha fadhiyey iyo kuwii fariintu gaadhayba.
Murashaxa UCID oo calanka Cagaarka ah ee xisbigiisa iyo Calanka liimiga ah ee WADDANI is bar bar dhigaya waxa uu yidhi. “Calanka cagaarka waa la garanayaa oo waa calanka nabada ee Muslimka midna waa liimiyoo waad taqaanaan oo waa budhiisanka dadka bilaa diinta ah ayaa leh Cabdiraxman-na waxa ay isku eeg yihiin dalai-lama odayga baadariga diinta Budhisti-ga way isku eeg yihiin waa xiiran yihiin labaduba.” Ayuu yidhi Murashaxa Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe.
Sidoo kale Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Cadaaladda oo madasha fadhiyey ayaa adkaysan kari waayey isaga oo ka mid ah xubnaha gudida ah ee masuuliyiinta Dawladda ku jira isla markaana ay Murashax Cirro isku beesha yihiin ka soo ururiya qaadhaanka xisbiga Waddani sida badana ula shaqeeya xisbiga calankiisa la falanqeeyey ee WADDANI.
Khadar Axmed Diiriye Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Cadaaladda Somaliland waxa uu badka keenay damaciisa xisbiga WADDANI oo ka mid ahaanshihiisu xanta suuqa siyaasadda ahayd balse uu si rasmi ah daboolka uga qaaday waxaana uu dagaal afka ah oo cadho qawlal ka xunbayn ahi weheliso uu kaga jawaabay falaqaynta Murashaxa xisbiga UCID ku sameeyey calanka xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI iyo murashax Cabdiraxman Cirro waxaana isaga oo ka falcelinaya uu yidhi. “waxaan aad iyo aad aan u leeyahay Istaqfuralah in qof muslim ah oo ashahaata oo aynu ognahay aynu nidhaahno isaga iyo xisbigiisu waa Budhisti oo ah kuwa Burma Rohinga ku gawracaya ma dilaan xataa beerka ayey kala baxaan waxa ay dilaan wax binu aadamka ILLAAHAY-ba uu ka naxo oo caruurta yar yar ah ayey laayaan qof inaga mid ah inaynu waxaa ku nidhaahno Istaqfuralah ayeynu ku leenahay.” Ayuu yidhi Khadar Axmed Diiriye Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Cadaaladda Somaliland oo ka mid ah xubnaha qaadhaanka xisbiga WADDANI bixiya ayaa uurkiisu haysan waayey dhawaaqii murrashaxa UCID ku dhabar garaacay cabdiraxmaan cirro waxaaney ka shiftay sir uurkiisu haysan waayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here