Ilo xogagaala oo warbaahinta soo gaadhaya ayaa tibaaxaya in dib loo dhigay wada hadaladii muddoba u socday dawlada Somaliland iyo kooxda Khaatumo iyo waliba shirkii 3-dii Bishan loo qoondeeyey inuu ka dhaco magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Waxaana xoguhu tibaaxeen in dib u dhigan ay codsatay dawlada Somaliland,iyaga oo kooxda Khaatumo ee uu gaadhwadeenka ka yahay Horjooge Cali Khaliif Galaydhna ku wargeliyey inuu dib u dhacday wada hadaladii u socday labada dhinac iyo shirki ka dhici lahaa Burco,iyada oo ay sabab u noqotay doorashadii madaxtooyada Somaliland oo fooda inagu soo haysa iyo waliba gudaha dalka Somaliland oo ay ku guda jirka bishan ka bilaabmayaan Ololihii doorashada ee saddexda xisbi Qaran.,waxaana wada hadaladan dib loo dhigay sida xoguhu tibaaxayaan ilaa inta doorashadu dalka ka dhacayso.
Horjooge Cali Khaliif Galaydh ayaa la sheegay in uu diyaariyey 120 Ergo oo Laga Soo kala Xulay Beelaha Dhul-bahante isla markaana uu damacsanaa in 3-dii bishan oo ku beegnayd salaasadii ina soo dhaaftay uu keeno magaalada Burco isla markaana shir halkaasi ka furmo,waxaana 120 Ergo 5 kamid ah ay ka imanayaa dalka dibadiisa,halka 105-ta kale ee Ergo laga soo kala xulay gudaha dalka.
Ilaa hadda xoguhu ma cadaynayaan wakhtiga rasmiga ah ee la qabanayo shirkan ka dhacay Burco ee loo ballamay iyo waliba in ay aqbaleen kooxda Khaatumo codsigaasi kaga yimi dhanka Somaliland.