Murashaxa Madaxweyne ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ka qaybgalay Munaasibad balaadhan oo loogu wanqalayey Degmada Dacarta oo ka tirsan gobolka Maroodi-jeex.
Wefti Balaadhan oo uu hogaaminayey Murashaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani ayaa maanta socdaal ugu baxay Degmadaasi Dacarta oo wanqal loo sameeyey kadib markii uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo uu u magacaabay in Dacartu ay noqoto degmo ka mid ah Gobolka Maroodi-jeex.
Degmada Dacarta oo ay ku nool yihiin shacbi weyne aad u tira badan isla mar ahaantaana ka tirsan gobalka Maroodi-jeex, ayaa Murashax Cirro, waxa halkaas si kal iyo laaba ugu soo dhaweeyey suldaanka guud ee beelaha Axmed Sheekh Isaaq (Tol-jecle), Suldaan Axmed Daahir Muuse oo weji farxadi ku jirto ku qaabilay Murashaxa oo ay la socdeen siyaasiyiin ka soo jeeda beesha Toljecle oo ka tirsan xisbiga Isbadal doonka ah ee Waddani.
Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani ayaa dhiniciisa hadalo hambalyo iyo duco isugu jira halkaasi ka soo jeediyey.