Madaxweynah Aabihii Xilka Kaga Guulaystay Ee Dalka Togo Oo Wajahaya Mucaaradadii Ugu Xumayd Abid

0
532

Tobanaan kun oo qof ayaa ka qeyb daanaya dibadbaxyo ka dhacaya guud ahaan dalka Togo.

Waxaa jira sidoo kale tiro badan oo dibadbaxyaaal ah oo ku sugan magaalada labaad ee ugu weyn ee Sokode iyo magaalada waqooyi ee Bafilo, halkaasi oo dhalinyaradu xidheen waddada ugu weyn ee isku xidhta waqooyiga iyo koonfurta dalka Togo.

Dibadbxayaasha ayaa waxa ay ugu baaqayaan madaxweynaha Togo, Faure Gnassingbe, inuu iscasilo.

Dadkaan dibadbaxaya ayaa sita boodhadh ay ku dalbanayaan in dib loo soo celiyo dastuurkii 1990, ee dalkaasi, kaasi oo ku xaddidaya laba waqti inta jeer ee uu madaxweynuhu xilka qabanayo.

Hoggaamiyaha xisbiga ugu weyn mucaaradka Togo, Jean-Pierre Fabre, ayaa sheegay inay doonayaan inay sii cadaadiyaan dowladda.

Madaxweynha Togo, Mr Gnssingbe, ayaa markii saddexaad xilka haya.

Mr Gnssingbe ayaa ka guuleystay aabihiis, taasi oo ka dhigan in qoys qudha ay ka talinayaan Togo 50 sano.

Ugu yaraan afar qof ayaa dhimatay waxaana dhaawacmay boqolaal kale tan iyo markii ay billowdeen dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here