Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa beeniyey Warar lagu sheegay inuu ka baxayo Xisbiga KULMIYE oo uu ku biirayo WADDANI.
Xildhibaan Nac-nac wuxuu sheegay inaanu Xisbigiisa KULMIYE ka baxayn, weligiina aanu gelayn Xisbi kale ee uu sidaa uu imikaba uga mid yahay uga sii mid ahaanayo KULMIYE.
“Dad-baa meelaha ka had-hadlaya oo leh Xildhibaan Nac-nac WADDANI buu galay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Anigu KULMIYE ayaan ahay, weligayna Xisbi kale maan gelin, weligeyna geli maayo.”
Mudane Axmed Maxamed Diiriye wuxuu difaacay Waxqabadka Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxaanu tilmaamay in Waxqabadka Xukuumadda KULMIYE Adduunka oo dhami ogyahay, sidaas awgeedna Dadka Fagaareyaasha kaga faana ee sheegta Waxqabadka Madaxweynaha iyo Xukuumadda Xisbiga KULMIYE inay ka waantoobaan, “KULMIYE wuxuu qabtay Adduunka oo dhami wuu ogyahay. Waddadii Ceerigaabo, Waddadii Balligubadle, KULMIYE waxaas ayuu qabtay, oo wax walba waalla qabtay..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Dadka kale waxay qaban doonaan ha sheegaan, laakiin waxa Madaxweynuhu qabtay Nin-na yaanu ku faanin, ee hala ogaado oo lagu daydo (Madaxweynaha) oo Waddadiisa hala maro oo ha loo duceeyo ayaanu leenahay..”
Xildhibaanku wuxuu sidaa ka sheegay Magaalada Hargeysa oo uu Shalay Saxaafadda kula hadlay