Madaxweynaha Somaliland Oo Magacaabay Laba Degmo

0
634

Xafiiska Af-hayeenka Iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL

Taariikh: 01/10/2017

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu caawa wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/M/XERM/249-5053/102017 uu ku magacaabay laba degmo oo kala ah, Nasiye iyo bohol. Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu istiqaaladii ka diiday gudoomiyihii gobolka Hawd.

 

Ø  Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:                    Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay:                    Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;

 

Markuu Tixgeliyey:            Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka;

 

Markuu Tixgeliyey:            Baahida loo qabo in Degmooyinka Nasiye iyo Bohol loo magacaabo Degmooyin cusub;

 

Markuu Dhegeystay:         Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

 

Wuxuu go’aansaday;

 

1. In uu Nasiye u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer.

2 In uu Bohol u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Sool.

 

Ø  Ujeeddo:       Diidmo Iscasilaad

 

Ku:      Mudane, Ibraahim Xaaji Cali Xasan,

Guddoomiyaha Gobolka Hawd                                                               Balligubadle

 

Mudane Guddoomiye,

 

Anigoo tix-raacaya go’aankaaga aad warbaahinta ku baahisay oo ku saabsan  istiqaaladda Xilka Guddoomiyaha Gobolka Hawd ee aad iska-casishay.

 

Haddaba Guddoomiye, ugu horreyn waxaan aad kuugu mahadinayaa xilkasnimada aad muujisay muddadii xilka Guddoomiyaha Gobolka Hawd aad haysay. Sidaa darteed, waxaan kula socodsiinayaa in aan kaa diiday istiqaalada aad  xilka Guddoomiyaha Gobolka Hawd.

 

Waxaan kuu rajaynayaa in aad si hufan u gudato waajibaadka Qaran ee laguu xil saaray, isla markaana aad si laban-laabto dedaalka iyo doorka weyn ee aad ka qabatay Gobolka Hawd ee Jamhuuriyadda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here