Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw ka duulay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, iyagoona kusii jeeda Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Diyaarad Khaas ah ay soo dirtay Boqortooyada Sacuudiga kana muuqday astaan dalkaasi ayaa garoonka ka qaaday Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdiga la socda oo marti qaad rasmi ah ka helay Boqorka Sacuudiga .
Sida aan Wararka ku helnay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Sacuudiga kula lulmi doona Boqorka Savcuudiga , waxa ayna kawada hadli doonaan xoojinta xariirka labada wadan u dhaxeeya iyo sidii meesha looga saari lahaa mad madowga soo kala dhax galay xariirka labada wadan.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Sacuudiga kala hadli doona fulinta Mashaariic dhoor ah ay horey Sacuudiga u balan qaaday in Soomaaliya ka fulineyso, waxaana hakad galay fulinta mashaariicdaasi ay horey u balan qaaday Sacuudiga.
Waxaa sidoo kale la filayaa in Madaxweynaha Soomaaliya kala hadlay Madaxda Sacuudiga go’aankii dhax dhaxaadnimada ee Soomaalkya ka qaadatay Xiisada Khaliijka Carabta , go’aankan ayaana ka careesiiyay Sacuudiga iyo Xulufadiisa.
Sacuudiga ayaan ku farxiun go’anakii dowlada Federaalka Soomaaliya ka qaadatay Xiisada Khaliijka, waxa ayna Sacuudiga iyo Xulufadiisa aaminsan yihiin in dowlada Soomaaliya ay u hiilisay dowlada Qadar.
Lama oga safarka armaajo u aaday Sacuudiga in ay wax ka badeli doonto go’aankii ay horey dowlada Federaalka Soomaaliya uga qaadatay Xisada Khaliijka, waxaana go’aanka dowlada qaadatay keenay in Sacuudiga hakad galiyaan Mashaariic horey ugu balan qaaday Soomaaliya.
Maamul goboleedyada Soomaaliya ka jira ayaa intooda badan kasoo horjeestay go’aankii dowlada Federaalka Soomaaliya ka qaadatay Xiisada Khaliijka, waxa ayna maamulada taageereen Sacuudiga iyo Xulufadiisa.
Safarka uu Madaxweynaha Soomaaliya ugu ambo baxay Boqortooyada Sacuudiga ayaa noqonaya kii sadexaad uu dalkaasi ku tago tan iyo markii la doortay, Waxaana xusid Mudan in Farmaajo safarkiisii ugu horeeyay uu dibadda u baxay in uu ku tagay Sacuudiga.