Addis Ababa, 27 September, 2017-(Himilo) – Dawladda Somaliland, ayaa sheegtay inay baadhayso eedaymo Dawladda Federaalka Itoobiya ugu jeedisay inay Dalkeeda ka Baro-kicisay kumanaan Dadka Qoomiyadda Oromada ah, tan iyo intii ay Qaraxday Colaadda dhiigga badan ku daatay ee u dhexeysa Soomaalida iyo Oromada Itoobiya.
Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa ku eedaysay Somaliland, inay Saddex kun oo ka mida Dadkii Oromada ahaa inta badan degenaa, ay si sharci-darro ah uga soo saareen Dalkooga markii ay bilaabmatay iska horimaadyadii hubaysnaa ee dhexmaray labada maamul goboleed ee dalka Itoobiya.
Wasiirka Warfaafinta Itoobiya Negeri Lencho oo Isniintii Doraad Warbahahinta kula hadlay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya wuxuu Jamhuuriyadda Somaliland ku eedeeyay in Dadka Isirkoodu Oromada yahay ee muddada ku noolaa Somaliland ay Dalkeeda ka saartay, kuwaasi oo uu xusay inay imika ku sugan Maamul goboleedka Oromiya iyo ka Soomaalida.
Waxa uu sidoo kale sheegay inay dagaallada ka dhex dhacay Dawlad-goboleedka Oromada iyo kan Soomalidaba ay ku dhinteen boqollaal Qof oo labada dhinacba ah, halka ay kumannaan kalena ay ka barakaceen guryahoogii, isagoo Wasiirku xusay inay xog faah-faahsan oo ku saabsan xaaladdaasi soo saari doonta dawladda Federaalka, marka ay dhameyso baadhitaankeeda bilawdo.
Laakiin, Wasiirka Arrimaha Dibbeda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo Wargeyska Bloomberg oo Warkan daacay uu Arrintan wax ka waydiiyey ayaa sheegay inuu arrintaasi u direy saraarkiishiisa la shaqeeya ee Wasaaradda Arrimaha dibedda, oo uu u baahan yahay inuu xaqiiqada dhabta ogaado ka hor intaanu wax ka odhan.
Intii ay socdeen weerarkii dhexmarayay labada maamul-gobolleed, waxay dawladda Oromada ku doodeysay inay Soomalidu ka dileen Askar Booliis ah, halka ay Soomaaliduna ku doodeyso inay Jabhadda Oromada ee sharci-darrada ahi, ay ka leysay dad, ayuu yidhi Nigeri.
Hadalka Wasiirka Warfaafinta Itoobiya ku sheegay in Somaliland Dalkeeda baro-kicisay Dad Oromo ah iyo in la bartilmaameedsaday ayaan illaa hadda aanay jrin wax Caddayn ah oo muujinaysa Dad la bartilmaameedsaday, maaddaama oo Masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland ay Dadweynaha ka codsadeen inaan la waxyeeleen Dadka Oromada ah ee Somaliland ku sugan, wallow la sheegay inay jiraan Dad kooban oo si iskood ah Dalka dibedda uga baxay.
Hadalka Wasiirka Warfaafinta Dawladda Federaalka Itoobiya, ayaa keeni kara Khilaaf ka dhex Qarxa Dawladda Federaalka Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Somaliland.