Waxaa Maanta Magaalada Baligubadle ee Xarunta Gobolka Hawd si Rasmi ah looga Daahfurey Mashruuca Nafaqada Hooyada iyo Dhalaanka.
Mashruucan ayaa waxaa Maalgalinaysa Hay”ada GIZ Waxaana Fulinaysa Hay”ada World Vion.
Xaflada Daahfurka Mashruucan ayaa waxaa ka soo Qaybgaley Masuuliyiin ay mid ahaayeen Wasiirka Caafimaadka Somaliland ,Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland,Badhasaabka Gobolka Hawd.Gudoomiye ku xigeenka Hay”ada Shaqaalaha Dowlada Somaliland iyo Saraakiil ka kala socday Hay”adaha GIZ Iyo World Vion. iyo Marti Sharaf kale.