Kulmiye Oo Ganafka Ku Dhuftay Geeri Waddani Qoorta U Sudhay Cadeeyeyna In Aanu Raali Ka Ahayn Agaasimayaasha Guud Ee Muuse Kaanbayn Gareeya

0
476

Xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye ayaa ka jawaaay eedayn uga timi xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo ah inay ku lug leeyihiin dhimashadii deegaanka Dilla ka dhacday sido kale waxa uu ka hadlay Agaasimayaasha guud ee Kaanbaynka xisbiga ugu jira.

Gudoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel oo warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in xisbiga Waddani uu ku raad joogo nashqada siyaasadeed uu xisbiga Kulmiye dhigo islla markaana u daba taagan yahay goob kasta iyo deegaan kasta oo uu Kulmiye ka hilaaco.

Jaamac Shabeel ugu horayn waxa uu sheegay in Xisbiga Kulmiye jojiyey safaro iyo hawlo shaqo markii ay ka war heleen in xisbiga Waddani safar canjilaad ah isaguna isku diyaariyey waxaana isaga oo ka hadlayaa uu yidhi. “Anagu horta ma daba cararno WADDANI isaga ayaa na daba carara isaga ayaa raadkayaga gura meesha anu marnaba waxaanu aragnaa isaga oo na daba ordaya way dhacday inaanu u joojinay socod dhan oo aanu wadnay oo aan nidhi waar bal ha ina dhaafaanee bal jooga oo ay noo fadhiisteen tuuladii xigtay oo ay socon waayeen oo aan nidhi waar halkanay fadhiyaanee maxaynu samaynaa anagu shaqadaa ma naqaano wax dan ahina nooguma jirto waxa halkaa ka dhacayna iyaga ayaa la waydiinayaa anagu maanaan tagin manaan socon meeshana maanu marayn waxa halkaa ka dhacay iyaga ayaa la waydiinayaa eeduna ma qaybsana ninka meesha marayey ee jogay ee wax abaabulay ee wax sameeyey ayaa la waydiinayaa anaga maaha anagu manaan joogin manaan tagin meesha.”

Sidoo kale Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel ayaa ka hadlay eedayn uga timi Wasiirkii hore ee Madaxtoyada Somaliland waxaana uu sheegay in Xirsi wali ka dhaadhacsa tahay in xukuumadu qabato shaqooyin uu qaban jiray oo guracan waxaana uu yidhi. “horta qof hadii la xidho Boolis ayaa xidha ciidankuna qof aan danbi galin oo aany faro ku haynin ma xidhaan isagu inuu fagaare la soo istaago qofbaa la xidhay guri ayuu na siiyey dee haduu guriga ku siiyey adeer aduu ku siiyey waxaasi booliska shaqadooda maaha anagana shaqadayada maaha wax na khuseeyana maaha waxaanu dan iyo muraad ka leenahayna maaha laakiin adigu waxaad wadaa waa waxaan waxba ka jirin malaha shaqadaadii hore ayaad moodaysaa inay dadku hayaanee wixii aad lixda sano wadayee cid wadaa ma jirto.”

Ugu danbayn Jaamac Shabeel ayaa ka hadlay Agaasimayaasha Guud ee xisbiga Kulmiye kaanbayn gareeya waxaana uu cadeeyey inaanu xisbiga Kulmiye arintaasi ku qanacsanayn waxaana uu yidhi. “horta Agaasimayaasha guud Dawladda ayey ka tirsanyihiin marka wasiiradoodu hawsha nala galaan way iska soo daba yaacaan qaarkood kuwana xafiisyadooda ayey fadhiyaan laakiin anagu inta badan waxaanu kula talinaa inay xafiisyadooda joogaan laakiin mar mar ayaad arkaysaa marka ninka deegaankiisa la tago ninkii oo ordaya oo shaqaynaya anaguna xafiisyadooda jooga ayaanu ku nidhaahnaa.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here