Hub Culus Oo Dekedda Boosaaso Laga Soo Dejiyey Iyo Maamulka Puntland Oo Qabtay Xili Khayre Qaramaa Midoobay Ka Codsaady In Xayiraada Hubka Somaliya Laga Qaado

0
1360

Ciidamada ilaalada Xeebaha Puntland ee PMPF ayaa deegaanka Marooro oo qiyaas ahaantii 9-KM u jira magaalada Boosaaso ka soo qabtay doonidan oo lagu magacaabo Alfurqaan oo waday hub sharci darro ah oo kala ahaa hubka culus iyo kan fudud waxaana kamid ah qoryaha loo yaqaano dhashiikaha PKM-ka, Bastoolado iyo sanaadiiq rasaas ku jirta.

Gaashaanle Maxamed Maxamuud Xasan oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada ilaalada Xeebaha Puntland ee PMPF ayaa sheegay in ay ku guulaysteen soo qabashada hubkan ayna ku raad joogaan dadkii doonidaasi u rarnayd iyo halkii ay ku sii jeeday

Sidoo Kale Sarkaalkan ayaa sheegay in baaritaan ay ku hayaan doontaan iyo cida ay u socotay, wuxuuna sheegay ineysan qaban, dadkii watay hubkan, iyadoona qeyb Labaad oo kamid ah hubkan ay bariga ka qabteen Ciidamada Booliska ee Gobolka Bari,

Ilaa iyo hada si rasmi ah uma cadayn saraakiisha ciidamada Badda Puntland hubka halka laga keenay iyo meesha uu u socday.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa shirkii Qaramada Midoobay ee uu ka qayb galay waxa uu ku cod sada in xayiraada hubka Somaliya saaran laga qaado waxaana jira xogo soo baxaya oo sheegaya in Dawladda Somaliya saanadan hubka ay leedahay sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in Maamulka Puntland arimo siyaasadeed u fashiliyeen hubka Somaliya lo waday walina ma jirto cid rasmi ah oo lahaan shihiisa sheegatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here