Labada Madaxweyne Ee Kuuriyada Waqooyi Iyo Maraykanka Oo Midba Kan Kale Ku Tilmaamay Waali

0
759

Kim Jong-un ayaa sheegay in maskaxda aan “fadhiyin” ee Trump ay ku qancisay in uu ku saxsan yahay hormarinta hubka dalkiisa Kuuriyada Waqooyi.

War qoraal ah oo naadir ah oo uu warbaahinta sii mariyay ayuu hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ku sheegay in Trump ay “saamayn wayn” ka soo gaadhi doonto khudbaddii uu dhawaan ka jeediyay golaha loo dhan yahay ee Qarammada Midoobay.

Mr Trump oo hadalkaasi ka jawaabaya ayaa sheegay in “ninka waalan lool dhaqmi doono si uusan horay u arag”.

“Kim Jong Unka  Kuuriyada Woqooyi, oo sida muuqata ah qof waalan, oo aan dan ka lahayn dadkiisa gaajeysan ama dhimanaya, waxaa loola dhaqmi doonaa si uusan horay u arag”, ayuu yidhi Trump.

Labadan dal ayaa bilihii u dambeeyay is waydaarsanayay dagaal afka ah oo sii kululaanayay.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa Salaasadii sheegay in haddii Maraykanka lagu qasbo in uu is difaaco uu guud ahaanba burburin doono, Kuuriyada Waqooyi.

Kim Jong-un fariintiisa sawirkan ayaa la socdayKuuriyada Waqooyi ayaa tijaabinaysay gantaallo aan baaxaddooda la sii saadaalinin. Waxayna tijaabisay nukliyeerkii Lixaad, inkastoo cambaarayn caalami ah ay ku mutaysatay arrintaas.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi oo horray khudbadda Trump ugu sheegay “Ay ciyay” oo kale ayaa ka digay in dalkiisu uu badda wayn Ee Baasifik ku tijaabin doono ban haydarojiin ah, arrintaas oo ay kaga jawaabayaan hanjabaadda madaxweynaha Maraykanka.

Wakaaladda wararka Yonhap ee Kuuriyada Waqooyi ayaa wasiirka arrimaha dibadda ka soo xigatay in “bamkan uu noqon doono kii ugu awoodda badnaa ee noociisa ah.

Laakiin wuxuu intaa ku daray “in aysan ogayn ficilka ay qaadi doonaan maadaama amarka uu bixin doono hogaamiye Kim Jong-un.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here