Abiib-timacad Oo Dad Bilaa Aabe Sifo Xaaraan Ah Aduunka Ku Yimi Ugu Ab Tiriyey Dadkii Muuse Biixi Ku Soo Dhaweeyey Gabiley Iyo Murashax Cirro Oo Labeeyey U Sacabo Tunka Cayda Laba Beelood Oo WADDANI Ku Gafay

0
717

Wasiirkii hore ee Wasaaradda warshadaha Somaliland Abiib Tima-cad isla markaana iminka ka mid ah masuuliyiinta sare ee xisbiga Waddani ayaa labeeyey cayda xisbiga Waddani gudihiisa looga gaysanayo beelaha Somaliland degan qaarkood isla markaana Cabdiraxman Cirro dhankiisa waxa uu labeeyey u sacabo tumista hadalada iyo qudbada lagu aflagaadeeyey labada Beelood ee Gabiley iyo Bariga Burco o uu xaadir ku ahaa madashii lagu af-lagaadaynayey.

Abiib Tima-cad waxa uu dad bilaa Aabo ah ama sifo xaaraan ah lagu dhalay uu ku sheegay Taageerayaashii tirade badnaa ee xisbiga Kulmiye ku soo dhaweeyey deegaanada Gabiley hoos yimaada waxaana uu ku walo maray in dadkaasi aanay xalaal ahayn oo gidaarada Hargeysa gawaadhi lagaga guray.

Abiib Tima-cad laba jeer waxa uu ku gafay shacab mudan Ixtiraam waxaana uu marka hore af lagaadeeyey dadka ka soo jeeda Deegaanada Gabiley sidoo kale waxa uu niyad jabiyey dadka ku dhasha xarumaha lagu xanaaneeyo caruurta aan aabaha lahayn waxaana markii uu qudbadaasi jeedinayey u sacabo tumayey Murashaxa Madaxweynaha xisbiga Waddani Cabdiraxman Cirro oo hadalkan ku diirsaday.

Ugu Horayn Siyaasi Abiib Tima-cad isaga oo ku dhaaranaya in dadka Reer Gabiley iyo deegaanada hoos yimaada ay garac yihiin waxa uu yidhi. “Kulmiye galbeed ayuu maalin dhawayd u baxay Magaalada Hargeysa sida aad la socotaan waxa laga guray (Garacdii) caruurtii aan cidi dhalin ee la hayey Walaahi kuwii ayaa la qaaday oo la guray kuwaas ayaa laga qaaday magaalada kuwaas ayaa Allaybaday la geeyey kuwaas ayaa geed balaadh la geeyey kuwaas ayaa Wajaale la geeyey dadka meesha tagay dadkii u dhashayba ma ahayn iyagoo gaajoonaya oo aan qadayn oo quraacan ayaa Caruurtii la soo celiyey oo lagu soo daadiyey halkoodii u jeedadii laga helaa markii laga fushaday waa layska soo celiyey.”

Sidoo kale Abiib Tima-cad waxa uu khayrlaawe iyo bilaa khayr ku kala macneeyey Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa isaga oo la hadlayey dadka deegaanka Faysal Cali Waraabe waxaana uu yidhi. “Dadkii waxa ay yidhaahdeen bari uma baahnin intaas bilaa Aabaha ah ayaa ku filnaatay ee Gabiley iyo Wajaale Bari uma baahnin ayey yidhaahdeen intan ayaaba nagu filan waxa meesha joogaa waa waxaa wax ala wixii la inoo sheegay waa been weeye Kulmiye iyo xukuumadan jirta been ayeynu ka dhaxalnay Kulmiye waa tan oo soo noqota (Siilaanyo Iyo Xukuumada) ee ma khayr ayeynu ku ognahay walaal fartiina ha eersanina hadhaw yaynaan calaacalin.” Ayuu yidhi Abiib Tima-cad oo ah masuul sare oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here