Gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu dabar shaqo ugu sameeyey Garsoorayaasha Qaranka iyo shaqaalaha Garsoorku inay dhex tamashleeyaan siyaasadda isla markaana ay ku dhex milmaan siyaasadda sadexda xisbi qaran ee loolan adag ku jira.
Sawiro lagas qaaday Garsoore xisbiga Kulmiye calankiisa ku jeeni qaaran ayaa sababtay in Gudoomiyaha Maxkamadda Sare soo saaro wareegto uu ku dabrayo hanaanka shaqo ee garsoorka iyo shaqaalaha Garsoorka waxaana uu u digay xubnaha ku shaqada leh Maxkamadaha dalka waxaana uu sidoo kale bayaamiyey in talaabo adag laga qaadi doono cidii lagu arko ku dhex milanka siyaasadda dalka.
Aadan Xaaji Cali oo si adag ula hadlay xubnaha iyo cida ay ku socoto wareegtada dabarka ah ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay. “U JEEDO: Wareegto Mamnuucaysa In Shaqaalaha Garsoorku Ku Milmo Siyaasadda.
Waxaa lala socod siinayaa dhamaan Gudoomiyayaasha, Garsoorayaasha iyo Hawl-wadeenada Garsoorka Dalka JSL. Inay mamnuuc ka tahay inay ku milmaan Siyaasadda xisbiyada Qaranka.
Sidaas darteed waxaa la idinka digayaa inaad dhex gashaan Siyaasadda xisbiyada Qaranka. Cidii dhex gashana talaabo sharci ah laga qaado doono.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland.