Ilaahay Ma ina Dilayaa Runtu Fanto Maaha !!

0
875

In runta lasheegaa waa dawo oo waxay daweysaa baylahdii isqoorsatay ee ishu aragtay haddaba waxaan uga socdaa xisbiga WADDANI wuxuu xisbiga KULMIYE dheer yahay waa garabkaa dhalinyarta ama Hogaanka Dhalinyarada WADDANI waxaan aragnaa oo marag iyo markhaati ka nahay marka aynan xaqirayn oo xiqdi iyo xaasidnimoba inaga reeban tahay garabka dhalinyarada WADDANI ama faracyo ka mid ah dhalinyaradaas oo magacyo iyo munado gooniya leh sida dhalinyarada VIP EeWADDANI iyo faracyo kale oo hogaanku horseed u yahay oo dhexda u xidhatay inay xisbigooda ka dhex muuqdaan ama bulsho badan oo kala midab iyo abtirsiin-ba ah u soo jiida si ay xisbigoodu horusocod u sameeyo waxaynu aragnaa dhalinyarada hogaanka xisbiga aynu xaga hore ku soo xusnay oo xafiisyo ka furaya gobolada iyo degmooyinka dalka iyo iyagoo wacyigalin kala duwan ka samaynaya gobolada dalka bari ilaa galbeed waxa kaloo aad arkaysaa iyagoo murashaxooda la daansho-daanshoonaya badhtamaha suuqweynaha hargeysa si ay uga iib geeyaan una kuur galaan baahiyaha bulshada iyo baylahda dhanwalba ka cidey waana kuwo tallo ku leh xisbiga kuwa ay ugu igman yihiin xisbigana aan loo gacan dhaafin oo awoodooda leh waana siyaasiyiin dhalin ah oo facooda xisbiyada kale ka mudhyidhi, markaan sidaa lee yahay qaarbadan oo waxma garatadiiya ayaa leh tallow ninkii Maxamuud caawa miyaa luuqda loo soo laxameeyey oo reer waddani buu ka mid noqdey xaashaa lilaah mayee sidaa aad jaalle ka dhigatay ee humaaga muraayadaadu kisiisay maaha ee waxaan arkay oo soo taabtay baan hal ka idhi, intii qalinku ii saamaxay waxaan arkay qofku wuxuu qabsadey lagama masuugee waa lagu bogaadiyaa siduu halkaa uga sii socdo una shirrabo hami iyo himilo fog haddaba xisbiga WADDANI iyo hogaankiisa waan ku hambalyeynayaa inay xakamaha u siidaayaan oo xor ka dhigaan fikirka dhalinyarada ay shaqada adag ku aamineen waxaan kaloon bogaadinayaa Guddoomiyaha garabka dhalinyarada WADDANI Maxamed Sidiiq Dhame iyo xulafadiisa Xilalkii lagu aaminay ka soo dhalaalay . dhame waa guddoomiyaha garabka dhalinyarada xisbigaasi waa aftahan ballaaqiya oo masraxyada ruxa markuu qudbadeynayo waxaad moodaa baarqab cimrigiisa ku soo jiray masraxyada lagu doobrito ee siyaasadda dhalinyarada kulmiye uma jawaabaan oo badweyntii kulmiye ayaa liqdey nin la ballaaqo ah kuma arag oo dhaliiliha uu warbaahinta u mariyo iska difaaca waxaan u garwaaqsadey in ay noqdeen rag kala tagay.
Haddaba aan usoo noqdo xisbigii KULMIYE markaan idhaahdo xisbiga KULMIYE wuu faro badan yahay oo waxaa jira siyaasiyiin aan WADDANI iska celin Karin oo baarqab ah balse waxaan u socdaa waa garabka dhalinyarada KULMIYE ee hogaanka leh ee magacaaban oo aan baafinayo halkay jaan iyo cidhib dhigeen garabkaa Hogaanka dhalinyarada KULMIYE lama arag meel ay marayaan , meel ay xafiisyo ka furayaan iyo meel ay wacyigalin ku samaynayaantona xitaa lama arag meel ay shirar ku galayaan haddey dhacdey oo aanan aniga iyo bulshaduba aragna waa dhif iyadoo intaasiba dabo taxan tahay oo isa sudhan tahay waxaa raacda oo aan la arag meel ay murrashaxooda kula socdaan ama ay ku fooladeynayaan dhigiisa xisbiyada kale.
Waxay noqdeen caal waa asal madoorshayaal ah oo aan xisbiga KULMIYE waxba ugu jilnayn hogaan aan hadlayn oo aamusan, hogaan aan jihaynayn dhalinyarada oo la tashanayn kuna tashkiilinayn inay xisbigooda iyo murrashaxa ay wataan la dhisaan waa hogaan aad mooddo inay cabudhsan yihiin oo madaxa lagaga taagan yahay oo mansabyadoodii iyo talladoodiiba la haysto oo lagu cuna dooban yahay waa mid oo waxaan is idhi tallow ma hogaanka ayaan ku kalsoonayn mayee sidaa malaa maahoo may magacaabeen hadaaney ku kalsoonayn ee kuwa la igmadey baa fadhiid noqdey oo shaqayn kariwaayey oo waa dhalin ku cusub masraxa iyo ka sheekaynta siyaasada.
Waxba hadalka yaan dheerayne Maantana Xafladii Buuggii KULMIYE may muuqan oo wey maqnaayeen kaalintoodiina Dhallinyaro kale ayaa isku kala bixisay waxayna hogaanka Dhallinyrada KULMIYE  noqdeen halkaa Maroo Muuqaa Lawaa.

Waxaa Qoray  Wariye Maxamuud Cabdiraxmaan Xirsi (Maxamuud Fantastic)

Mudakar143@hotmail.com

tel:0634004911

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here