Waxa muddooyinkan dambe dalka Algeria aad looga isticmaalayay hillibka dameeraha, hudheelada cuntada ayaa ka mid ah goobaha aad loogu qaybiyay balse dawladda Algeria ayaa kadib markii ay arrintaasi xaqiiqsatay waxay daba gal ku samaysay cidda ka dambaysa ee suuqyada u qaybisa hillibkaasi dameeraha ee loogu tala galay inay dadku cunaan.
Arrintan ayaa waxa aad looga dareemay magaalada Birxaal ee dalkaasi ciidammada Ammaanka ayaa waxay baadhitaano ku sameeyeen goobo lagu sameeyo hillibka shiilin waxaanay wareysiyo la yeesheen mulkiilayaasha goobahaasi waxaanay wax ka weydiiyeen cidda u qaybisay hillibka noocani ah.
Dhinaca kale shacabka dalkaasi ayaa arrintan gaddood ka muujiyay waxa aanay ka codsadeen dawlada inay tallaabo sharci ah ka qaadaan ciddii arrintaasi lagu helo.