Dawladda Colombiya Iyo Jabhada ELN Oo Heshiis Xabad Joojin Ah Gaadhay Muddo 50 Sanno Ah Kaddib

0
552

Dhexdhexaadiyeyaasha ka socday mucaaradka Ciidamada Xoreynta Qaranka ee (ELN) ayaa sheegay in heshiis xabbad-joojin ku meel gaadh ah ay la saxiixdeen dowladda Colombia.
Waa markii ugu horreysay ee labada dhinac ay xabbad-joojin gaadhaan muddadii lagu guda jiray in ka badan 50 sano oo dagaal ah.
Hadalkan ayaa imaanaya wax ka yar 48 saac kahor booqashada lagu wado in Pope Francis uu ku tago dalka Colombia.
Madaxweynaha Colombia Juan Manuel Santos ayaa sheegay in heshiiskan uu dhaqan geli doono 1-da October uuna socon doono ilaa 12 January.
Qoraalka afka Spanish-ka ku qoran oo ay barta Twitter-ka soo dhigeen, ayay ELN ku sheegeen: “Haa waan awoodnay! Waxaan u mahad celineynaa dhammaan dadkii nagu taageeray inaan gaadhno heshiiskan xabbad-joojin.”
Madaxweyne Santos ayaa sheegay in muddada heshiiska laga dheereyn karo 12-ka January
Dhanka kale, madaxweyne Santos ayaa sheegay in muhiimaddu ay tahay dhowridda muwaadiniinta, inta muddadan lagu jirana, afduubka iyo weerarrada lagu hayo dhuumaha shudaalka iyo tacaddiyada kale ee rayidka ka dhanka ahba aysan dhici doonin.
Dowladda ayaa dhankeeda la sheegay inay horumarin doonto xaaladda mucaaradka ELN ee xabsiyada ku jira iyo inay sare u qaaddo ammaanka hogaammiyeyaasha xuquuqda dadka u dhaqdhaqaaqa, kuwaas oo in badan oo ka mid ah la dilay bilooyinkii ugu dambeeyay.
Wada xaajoodyada ka dhacay caasimadda Ecuador ee Quito ayaa bilowday bishii February – bilooyin un kaddib markii dowladda Colombia iyo kooxdii mucaaradka ugu weyneyd dalkaas ee (Farc), ay heshiis nabadeed saxiixdeen. Farc ayaa kaddib isu beddeshay xisbi siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here