Garaad Jaamac Oo Digniin Adag U Diray Siyaasiyiin Uu Ku Eedeeyey Inay Hurinayaan Colaada Buuhoodle

0
552

Garaad jaamac garaad cali oo ka mid ah madax-dhaqameedka ugu tunka weyn deegaanada sool, sanaag iyo buuhoodle ayaa si adag uga hadlay siyaasiyiin uu ku eedeeyey inay hurinayaan colaada ka soo cusboonaatay deegaanka buuhoodle wuxuuna midh-midh u sharaxay isyagoona meesha ka saaray in ciidanka Somaliland iyo kuwa maamul goboleedka puntland ay ku dirireen deegaankaasi wuxuuna yidhi.” Arrintani laba fays bay yeelanaysaa fayskii hore waanu dhamaynay ummadana waanu usheegaynaa oo ahaa in ciidamada la kala raro laba deegaan oo kala fogna la kala geeyo xabad joojina la sameeyo aad iyo aad baan ugu mahad celinaynaa madax-dhaqameedkii labada ardaa ee arrinta nagala shaqeey waxaanu ummada usheegaynaa hawshaasi wey dhamaatay hawshii labaad baa hadda loo fadhiyaa sidii wixii dhacay loo soo uruurin lahaa loona soo gaba gabayn lahaa. Garaadka oo carabka ku adkeeyey siyaasiyiin uu dhabarka usaaray hurinta colaada buuhoodle wuxuu yidhi “ nimanka siyaasiyiinta ah midh baan lee yahay cidii hadashay waanu ka war haynaa ninkii siyaasiya ee si fiican u hadlay meeshuu doonaba ha joogee waanu ka war haynaa ee runta sheegay ee cadeeyey in meeshaa laba beelood ku dagaalameen ninkii kale ama sarkaal ha noqdo ama siyaasi ha noqdo ee yidhi meeshan puntland iyo Somaliland baa isku laysay wax alaale wax ka jiraa ma jiraan meesha somalilandna iskuma layn puntlandna iskuma layn ninka sidaa u hadlayow hadda reer buuhoodlena waa tahay waxaan lee yahay waar buuhoodle codlaad intaa ka badan ma qaadi karto” hadalka garaadka ayaa ah mid oofwareen ku ah wasiirka arrimaha gudaha yaasiin faratoon oo si aan ka fiirsasho lahayn uga hadlay colaada ka soo cusboonaatay buuhoodle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here