Faysal Cali Waraabe oo Fagaare kala hadlay reer Gabiley

0
443

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, ayaa Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa fagaare ku yaalla Magaalada Gabiley kala hadlay taageerayaasha Xisbigiisa iyo dadweyne kale. “waxaan doonaynaa inaan dhisno Somaliland mid ah oo aan qabiil ahayn oo cid waliba xuquuqdeeda helayso” ayuu yidhi isagoo ka hadlayey mid kamida Xafiisyada Xisbigiisu ku leeyahay.

Hadalkan ayuu raaciyey “Somaliland oo Isaaq ah ayaa la aqoonsan waayee, ma u malaynaysaan Somaliland oo Sacad Muuse ah inay ictiraaf helayso” ayuu ku kaftamay isagoo sharaxayey saameynta ay qabyaaladu ku yeellatay dawladnimada dalka.

Eng. Faysal, ayaa sheegay inuu xoogga saarayso wax soosaarka dalka, ictiraaf raadinta iyo la dagaalanka saboolnimada.

Xisbiga UCID, waa xisbi qunyar socod ah oo aan marna talada ku guulaysan laba jeer oo uu tartamay. iminkana wali awooddiisa siyaasaddeed ma dhisna iyadoo wakhti kooban ay ka hadhsan tahay Doorashada Madaxtinimada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here