Salaadiinta beelaha gobolada Hawd Iyo Hargeysa ayaa dhambaal baaq nabadeed ah u diray beelaha ku dagaalamay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Buuhoodle.
Afhayeenka salaadiinta beelaha Arab Suldaan Xuseen Xaaji Cabdilaahi oo baaqan soo gaadhsiiyey Hadhwanaagnews ayaa sheegay inay beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay magaalada Buuhoodle ugu baaqayaan inay nabada qaataan isla markaana joojiyaan dagaalka dhexdooda ka socda.
Suldaan Xuseen Xaaji Cabdilaahi Waxa uu sheegay in madax dhaqameedka beelaha Arab u soo jeedinayaan walaalahooda ku dagaaalamaya magaalada Buuhoodle inay joojiyaan colaada isla markaana ay ku dedaalaan inaanu daadan dhiig intaas ka badan.
Suldaan Xuseen Xaaji Cabdilaahi ayaa sheegay in madax dhaqameedka beelaha
Arab ay ka codsanayaan beelaha ay awawga u yihiin ee ku dagaalamaya magaalada Buuhoodle inay qaataan baaqooda oo ay ku dedaalaan inay joojiiyaan dhiiga dhexdooda ku qubanaya oo ay qaataan dariiqa nabada kuna dhameeyaan wixii dhexdooda yaala.