Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif Oo Kulan La Yeeshay Dhalinyarada & Ardayda Laascaanood Iyo Nuxurka Mawduucyadii Lagu Faaqiday Kulankaasi

0
494

 Xoghayaha Maaliyada xisbiga Waddani, Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa xalay kulan la yeeshay dhalinyarada, Ardayda iyo qaybaha bulshada ee magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Kulankan oo ahaa mid ay isku xor-waraysanayeen dhalinyarada gobolka Sool iyo Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Xoghayaha Maaliyada xisbiga Waddani ayaa ahaa mid uu ku dhiirigalinayey dhalinyarada gobolkaasi sidii ay ula iman lahaayeen afkaaro iyo aqoon horumar gaadhsiiya gobolka Sool iyo guud ahaan Somaliland.

Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif waxa uu dhalinyarada aad uga wacyigaliyey oo uu kala hadlay dhibaatada ay leedahay Tahriibta Iyo Qabyaalada sidii ay uga fogaan lahaayeen, taa badalkeedana ay dhalinyaradu ku hamiyaan sidii ay u horumarin lahaayeen gobolka, waxna ay uga badali lahaayeen xaalada uu wakhtigan gobolku kaga sugan yahay dhinaca horumarka, isla markaana xiligan doorashadu soo dhawdahay ay dhalinyaradu la yimaadaan isbadal Siyaasi ah.

Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa 20-kii maalmood ee u dambeeyey socdaal ku joogay Gobolada Bariga Somaliland isagoo u kuurgalayey xaalada ay ku sugan yihiin shucuubta goboladaasi, waxaanu intii uu halkaasi ku sugnaa uu booqashooyin ugu tagay dadka bukaanka ah ee ku jira cusbitaalada deegaamadaasi gaar ahaan Cusbitaalka magaalada Laascaanood oo uu deeq gaadhsiiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here