Garabkii Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle Oo Ku Eedeeyey Garabka Baashe Maxamed Faarax Inay Ka Baxeen Wadahadalkii, Sheegayna Inay Diyaarinayaan Gudoomiye Ku Xigeen Inay Doortaan

0
462

Garabkii Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle u doortay gudoomiyaha Golaha Wakiilada isla markaana loo saaray xalintii khilaafkii Golaha Wakiilada ka dhashay ayaa ka digay in golaha Wakiilada la isugu yeedho iyadoon wali la xalin arintii ka dhalatay doorashadii Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee lixdii bishan August.

Xildhibaanada ka tirsan Garabkii Cabdiraxmaan Talyanle ee loo saaray khilaafkii Golaha Wakiilada oo caawa Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa ku eedeeyey guddidii dhincii kale ee Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax inay ku guuldaraysteen in la xaliyo khilaafka Golaha Wakiilada, waxaanay sheegeen in garabka Baashe ay wakhti xaadirkan isku diyaarinayaan inay doortaan gudoomiye ku xigeen, iyadoo aan arintii gudoomiyaha la xalin, waxaanay ku baaqeen in golaha Wakiiladu uu u baahan yahay in la badbaadiyo.

“Todobaadkii dhaweyto markii aanu isku nimid ee la yidhi goluhu waa inaanu furmin ilaa arintaa khilaafka la xaliyo, ee guddidii labada dhinac ee shanta iyo shanta ahayd la saaray waxaanu maanta bulshada reer Somaliland u cadaynaynaa in shantii xildhibaan ee ka socotay xildhibaanadii u codeeyey Baashe Maxamed Faarax ay diideen wadahadalkii oo aanay ka soo qayb galin, oo sidii ay u lahaayeen bari iyo sahad-dambe ayaanu idiin imanaynaa ay guud ahaanba ka baxaan wadahadalkaa iyo waanwaantaa lagu xalinayey, khilaafkaa soo kala dhexgalay golaha Wakiilada.” Ayuu yidhi Xildhibaan Waabeeye oo ka tirsan garabka Cabdiraxmaan Talyanle doortay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here