SOOL: Laba Askari Oo Lagu Dilay Laascaanood Iyo Xukuumadda Ka Hadashay Cidda Masuulka Ah

0
573

Laascaanood (QORYAALE) – Waxa Magaalada Laascaanood lagu dilay Laba Askari oo ka mid ahaa Ciidammada Booliiska Somaliland, kuwaasi oo ilaalo ka hayey Goob lagu bixinayey Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay Dalka ka dhacdo Dabayaaqada Sannadkan.

Dilkan oo dhacay Habeen hore, ayaan illaa hadda la ogayn Cidda geysatay ee ka dambaysa iyo sababta loo bartilmaameedsaday Askartaasi ilaalada ka ahaa Xarun kaadhadhka Cod-bixinta laga bixinayey, taasi oo ku taalla bariga Laascaanood.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Iyo Badhasaabka Gobolka Sool oo ka hadlay Dilka labada Askari, waxayna Tacsi u direen Eheladii Askarta iyo Ciidammada Booliiska ee ay ka tirsanaayeen.

“Askartaasi oo gudanaya Waajibaadkii Qaran ayaa waxa dilay Dhagar-qabeyaal aan Cidna u danaynayn. Cid kasta oo Dilkaa ka dambaysay iisha Allaahu Waalla qaban doonaa, illaa haddana Ciidammada Booliska Gobolka Sool wuxuu soo qabtay Dad faro badan, Baadhistuna way socotaa.”

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo isaguna ka hadlay Dilka ka dhacay Laascaanood, waxaanu Dilkaasi ku xidhiidhiyey Dad uu sheegay inay muddo badan Dadka ku laynayeen Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool “Kuwii Muddada badan Dadka ku laynayey, ayaa waxa Xalay (Habeen hore) u suurto-gashay in laba Sarkaal oo Ciidanka Booliska ah oo markaa iska baraad la’, oo aan waxba filaynin, ilaalinayeyna Goobihii Kaadhadhka Codaynta laga qaadanayey ku gaaday, labadii Askarina ay halkaa ku dhinteen.” Ayuu yidhi, Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, waxaanu intaa ku daray  “Alle ha u naxariisto Labadaa Askari oo Maanta lagu aasay Magaalada Laascaanood. Argagixisadaasi waxaad Mooddaa inay Nabadgalyada Magaaladan ragaadisay, oo muddo badan ay dhexdeeda dhaqdhaqaaq ka dhex wadday, marka muddo la baacsadana ay dhowr bilood is nabaan oo ay nastaan, Dabadeedna Wakhti aan la filayn ay soo laba kacleeyaan.”

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here