Madaxweynaha Somaliland Oo Safar Ugu Baxay Dalka Imaaraadka

0
500

Hargeysa (Qoryaale) – Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuu (Siilaanyo), ayaa Shalay Safar ugu Ambo-baxay Dalka Imaaraadka Carabta.

Socdaalkan oo lagu sheegay inuu yahay mid gaar ah, ayaa waxa Madaxweynaha ku wehelinaya Marwada koowaad ee Qaranka Aamina Xaaji Maxamed Jirde (Aamina-weris) iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali.

Madaxweynaha ayaa waxa Madaarka Diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal ku sii sagootiyey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirro iyo Masuuliyiin kale.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige (Xuseen-Deyr) oo Saxaafadda kula hadlay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa, ayaa faahfaahiyey ujeeddada Socdaalka uu Madaxweynuhu ku tagay Dalka Imaaraadka Carabta, waxaanu yidhi “Safarka Madaxweynuhu waa safar khaas ah. Dabcan Muddada uu Madaxweynuhu halkaa ku maqan yahay wixii Hawlaha Qaranka ah ee ay ku jiraan danaha iyo Maslaxadda Ummadda Jamhuuriyadda Somaliland wuu ka hawl-geli doonaa.”

Afhayeenku waxa kale oo uu sheegay “Waanu u ducaynaynaa Madaxweynaha in ILAAHAY nabad-geeyo, Nabadna inoogu soo celiyo, Safarkiisuna wuxuu ku egyahay Magaalada Abu Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta..” ayuu yidhi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa dhawaan Dalka Imaaraadka Carabka kaga Safar Nasasho lagu sheegay, kaasi oo qaatay Toddobaaddo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here