Dawladdaha Soomaaliya Iyo Jabuuti Oo Kala Saxeexday Heshiis La Xidhiidha Dhinacyada Isgaadhsiinta Iyo Boosta

0
414

Wasiirrada Boosta iyo Isgaadhsiinta ee dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti Eng. Cabdi Cashuur Xasan iyo Cabdi Yuusuf Sugeh, ayaa si wada-jir ah u soo saaray war-murtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay isku afgarteen labada dhinac.

Ujeeddada booqashada rasmiga ah ee wasiirka iyo weftigiisa, oo afar cisho qaadatay, ayaa ahayd sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada isgaadhsiinta iyo boostada.

Heshiiska labada dhinac ayaa waxa ka mid ahaa:

1- Waxa ay labada dal iska kaashan doonaan dhinaca horumarinta xadhkaha fiber optic ah maadaama ay saldhigyo badan ku yaallaan dalka Jabuuti, iyada oo la billaabi doono xidhiidhada labada dal iyo shirkadaha isgaadhsiinta Soomaaliya iyo Djibouti Telcom oo ku saabsan xadhig cusub oo Fibre Optic ah, gaar ahaan xadhigga Djibouti African Regional Express (DARE), oo isku xidhi doona magaalooyinka Jabuuti iyo Mombasa, isagoo sii maraya dhawr dekedood oo ku yaalla Soomaaliya.

3- Dawladdaha Soomaaliya iyo Jabuuti, gaar ahaan labada wasaaraddood, ayaa waxa ay iska kaashan doonaan horumarinta iyo maamulka Isgaadhsiinta iyo Tiknolojiyadda labada dal, wadaagista khibradaha iyo aqoonta la xidhiidha isgaadhsiinta, gaar ahaan dhinacyada isku-xidhka gobolka Geeska Afrika, amniga internetka (cyber security), sharciyada isgaadhsiinta, maamulka hirarka iyo lambarrada, iwm.

3- In la qabto dhawaan shir ay ka soo qaybgalayaan madaxda labada dal, shirkadaha isgaadhsiinta Soomaaliya iyo Shirkadda Djibouti Telecom.

Wasiirka Boosta, Isgaadhsiinta iyo Teknoolojiyada Soomaaliya, Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay ka dib go’itaankii ugu dambeeyey ee Internetka Soomaaliya in wasaaraddu ay garawsatay in la dardar-geliyo helitaanka khad kale, maadaama aanay suurtogal ahayn in qaran dhan ku tiirsanaado hal xadhig.

“Jabuuti waa dal aanu wax badan ka faa’iidaysan karno. Wuxuu leeyahay illaa 8 xadhig oo fiber optic ah. Sidaas darteed waxaanu doonaynaa inaanu iska kaashano sidii aanu u horumarin lahayn isgaadhsiinta iyo internetka Soomaaliya,” ayuu yidhi wasiir Cashuur oo ka hadlayay heshiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here