Xafiiska Imtixaannaadka Oo Difaacay Sumcadda Macalin Lagu Gefay

0
469

– Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax (Daa’uud Gadh-weyne), ayaa Maanta shaaciyey Magacyada Macalimiin ku eedaysan inay Ardaydii dhawaan gashay Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee fasallada Afraad ee Dugsiyada Sare iyo 8-aad ee Dugsiyada dhexe ka caawiyeen ama uga shaqeeyaan imtixaanka.

 

Macalimiintan oo uu Magacyadooda  Warbaahinta u akhriyey Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka Qaranku, ayaa Wasaaradda Waxbarashadu ku eedaysay inay iyaga oo isticmaalaya Baraha Bulshadu ku wada xidhiidho, sida Whats Up-ka ay Ardayda Dugsiyada Sare oo ku jira Imtixaanka Shahaadiga ah ay uga shaqeynayeen Su’aalaha Imtixaanka ku jira, marka ay Ardaydu Su’aalaha ugu diraan Telefoonnadooda Gacanta.

 

Laakiin, Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka Qaranku wuxuu arrintan fadeexadda ah ka beri-yeelay Guuleed Maxamed Yaasiin (Dalxa) oo uu sheegay in si khalad ah Magaciisa loogu soo daray Liiska Macalimiinta Arrintan ku eedaysan.

 

Daa’uud Gadh-weyne oo mid mid u akhriyey Magacyada Macalimiintan oo tiradoodu tahay 57, ayaa markii uu gaadhay Magaca Macalin Guuleed-dalxa wuxuu yidhi “Guuleed waa Nin aanu aad isku garanayno. Wuxuu noo soo galay Liiska Macalimiinta, laakiin isagu aan lug ku lahayn (Arrinta loo haysto Macalimiinta kale)..”

 

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay “Guuleed waa Macalin Afka Ingiriisiga ka dhiga Iskuul gaar loo leeyahay, laakiin aan shaqo ku lahayn Whats Up-ka (Qishka lagu fududeynayey)..” ayuu yidhi.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here