Maxkamadda Sare Oo U Quus Goysay Garabkii Talyanle, Fooladaynta Baashe Iyo Fool-jabka Waddani

0
383

Muranka Mansabkii La Haneeyey Oo Lagu Soo Celiyey Xeer Hoosaadka Wakiilada Iyo Ma Quustayaashii Mucaaradka Oo Muusanow Miciinbiday

Muranka Golaha Wakiilada oo ku soo idlaanay qaraarka ay soo saarto Maxkamadda Sare oo xildhibaanadi Talyanle u codeeyey u gudbiyeen Maxkamada isla markaana ahaa go’aan shacabka Somaliland si wayn ugu dhag taagayeen ayaa ugu danbayn Maxkamada Sare ku go’aamiyey in ay qardo jeexayaann garabka Cabdiraxman Talyanle.

Maxkamada Sare ayaa sheegtay in aanu sharciga meelna kaga ool arji uu u soo gudbiyey Xildhibaan Cabdiraxman Talyanle oo kursiga Gudoomiyaha golaha wakiilada lagaga guulaystay waxaana ay qaraar maxkamada sare soo saartay lagu laalay Dacwad garabka Talyanle maxkamada sare u gudbiyeen.

Maxkamada Sare waxa ay sidoo kale go’aamiyey In xeer hoosaadka wakiilada lagu dhamaysto khilaafka golaha wakiilada iyada oo la raaco qodobada ku  saab san muranka iyo arimaha codaynta ee golaha wakiilada ka dhaca.

Qaraarkii Maxkamada sare ka soo baxay waxa uu u dhignaa Sidan.

 

1:- Waxay qaraarisay In arjiga uu Maxkamada Sare u soo qortay Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Talyanle eek u taariikhaysan 8/8/2017 aanu waafaqsanayn Qodobada sharci ee khuseeya Maxkamada sare ee Dastuuriga ah maadaama aanay jirin dacwad dastuuri ah oo waafaqsan Qod: 98(A) (a.c) ee Dastuurka jamhuuriyada Somaliland.

2:- waxay qaraarisay in cabashada uu xanbaarsan yahay arjiga uu maxkamada u soo qortay Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Talyanle eek u taariikhaysan 8/8/2017 uu dariiqeedu yahay in lagu xaliyo golaha wakiilada JSL dhexdiisa iyaga oo raacaya xeer hoosaadkooda. Gaar ahaan si waafaqsan Qod: 37 oo ka hadlaya soo jeedimaha iyo Qod: 42 oo ka hadlaya noocyada codaynta iyo muranadooda sida loo xaliyo ee xeer Lr. 01/2006

3:- Qaraarkan waxa loo cuskaday Qod: 37.42 ee Xeer Lr. 01/2006 iyo qodobka 98 ee Dastuurka JSL.

Sadexdan Qodob ayaa lagu faah faahiyey arimaha iyo sababta Maxkamada sare u laashay arjigii iyo dacwadii ay u soo gudbiyeen garabkii Cabdiraxman Talyanle hogaaminayey oo ku doodayey in iyagu ay yihiin garabka helay hogaanka ama kursiga Gudoomiyaha golaha wakiilada.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here