Garnaqa Colaadii Ceel-afwayn Oo Gogosheeda Aan La Furin Iyo Boqor Buurmadow Oo Bayaamiyey In Labada Dhinac Garta Isla Hor-fadhiyaan

0
417

Boqor Cismaan Muxumed Buurmadow oo ka mid ah hogaanka dhaqanka Somaliland ayaa markii u horaysay ka hadlay halka ay marayso wada xaajoodka colaada soo noq noqota ee deegaanka Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag halkaasi oo ay ku dagaalameen ama dirir colaadeed ku dhex martay laba beelood oo walaalo iyo ood wadaag ah.

Boqor Cismaan waxa uu daaha  ka qaaday in wax wada xaajood ah aanu wali bilaamin shanta casho ee soo socdana aanu furmayn wax wada hadal ah balse waxa uu shaaciyey in ergooyin culus oo labada beelood ka kala socda ay ku sugan yihiin Ceel-afweyn sidoo kalana Gudidii golaha guurtida ka socotay ay iyaguna gogosha fadhiyaan.

Boqor Cismaan Buurmadow waxa uu dhinaca kale shacabka gobolada Sool iyo Sanaag ugu baaqay kuna booriyey in ay qaataan kaadhka cod bixinta oo awooda gobolka Sanaag iyo sool ay leeyihiin la muujiyo isla markaana si wayn looga qayb galo arinta wacyigalinta iyo qaadashada kaadhka.

Ugu Horayn Buur-madow oo arinta Diiwaangalinta iyo kaadh qaadashada ka hadlayaa waxa uu yidhi. “marka hore dadka Gobolka Sanaag iyo Sool waxaan Farayaa ama kula dar daarmayaa inay qaataan kaadhka inay si mug iyo miisaanleh u qaataan inay muujiyaan codka gobolka iyo tayadiisa soo saaraan ayaan aad iyo aad ugula dar daarmayaa umada Ceel-afwayn Barwaaqo iyo nabad galyo iyo is faham ayaan u rajaynayaa dalka idilkee nabad galyo ayaan u rajaynayaa ILLAAHAYna waxaan ka baryayaa inuu raxmaad khayr qaba inoo shubo.”

Dhinaca kale Boqor Cismaan Muxumed Buurmadow waxa shaaciyey in aanay wali furmin wax wada hadal iyo wada xaajood ah isla markaana labada dhinac ay is horfadhiyaan waxa sidoo kale uu shaaca ka qaaday in weftigii ugu cuslaa Beelaha Habar-jeclo iyo Garxajis arinta wada xaajoodka galayaan iyada oo dhex ay u tahay gudidii ka socotay golaha guurtida Somaliland waxaana uu yidhi isaga oo arintan ka hadlayaa. “waxaan filayaa in lala wada socdo Golihi Guurtidu waa joogaan waftiyo culus oo beelaha Habar-jeclo iyo Garxajisna waa joogaan guurtidii Somaliland-na gudideedii waa fadhidaa anaguna waxaanu diyaar u nahay in ay noo bilowdaan wada-hadalka iyo sidii arimahaa loo dhamayn lahaa inkasta oo shantan casho aan filayo in mashquul lagu noqon doono arimaha diiwaangalinta markaa meel qurux badan ayey maraysaa walise waxba nooma bilaamin

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here