Suldaankii Maqaar Saarka Ahaa Ee Saldanada Beesha Muuse Biixii Cir Ka Soo Dhaca Ku Noqday Oo Xadhig Xiisad Abuuray Ka Dib Xoriyad Damaanad Ah Banaanka Hargeysa Ugu Soo Baxay

0
455

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa xabsiga ka sii daayey Suldaan Maqaar saar ahaa oo Murashaxa Kulmiye hore u caleemo saartay isla markaana uu damacsanaa in uu ku garaaco Suldaanka guud ee Beeshiisa oo ay is khilafeen waxaana uu Suldaankan uu cumaamaday in uu bedelo Saldanada Beesha isaguna noqdo Suldaanka guud ee Suber Awal.

Inkasta oo aan la faah faahin u jeedada xadhiga hadana Suldaan Maxamed Suldaan Axmed Suldaan Cabdiraxman balse waxa uu wakhtiga la xidhay uu ka soo laabtay Magaalada Burco oo la sheegay in uu beesha bariga Burco kala hadlayey arinta wareejinta Gudoomiye-nimada iyo siyaasadda isku celiska ah ee ka dhaxaysa labada dhinac.

Suldaankan oo ay ilmaadeer yihiin Suldaanka guud ee Saldanada Suber Awal ayaa shaxda Salaadiinta Somaliland ku soo galay bedel uu doonayey in uu noqdo Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi oo ah suldaanka guud ee Suber Awal oo wakhtigii xiisada siyaasadda beeshiisu taagnayd la saftay Jamaal Cali Xuseen isla markaana ka horyimi Murashax Muuse Biixi.

Suldaanka la xidhay ee la soo daayey ayaan ka hadal arinta xadhigiisa iyo cida ka danbaysay balse waxa uu sheegay in arinkiisa ay odayaal ku jiraan oo aanu ka hadlaynin waxaana sidoo kale xogo warbaahinta lagu baahiyey lagu sheegay in Ardaaga sare ee xisbiga Kulmiye laga amray xadhiga Suldaanka oo caqabad ku noqday Saldanada Beesha Murashax Muuse Biixi.

Taariikhda Somaliland waxa ay noqonaysaa markii u horaysay ee Suldaan Guud oo nool la damco in lagu bedelo Suldaan ay saldanad wadaag yihiin waxaana arintaasi ka dhashay muran xoogan iyo khilaaf dhinaca siyaasadda ah inkasta oo arinta caleema saarka Suldaanka Maqaar saarka ahi mudo yar sooctay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here