Madasha Wada-tashiga Oo Ka Hadashay Khilaafka Golaha Wakiillada

0
478

Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Somaliland Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa ka hadlay Muranka ka taagan Guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada oo muran ka taagan yahay.

Mujaahid Xasan Guure oo Shalay Saxaafadda kula hadlay ayaa wax laga xumaado ku sheegay in Xildhibaannada Golaha Wakiilladu ku heshiin waayaan ama ku murmaan tirada 77 Xildhibaan oo Madal wada fadhiya, isagoo xusay in taasi tilmaan ka bixin karto siday u ekaan doonto Doorashada Madaxtooyada ee soo socota.

Xasan oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Aad iyo aad baanu uga xunnahay in 77 Qof oo Qol wada fadhiya in Tirada Codkoodii in la khaldo ama muran la geliyo ama laga murmo, oo Ummadda Qas lagu geliyo. Xukuumadda, Goleyaasha iyo Cid kasta oo ay khusayso waxaanu jecellahay in Arrintaa Ciddii dhex geli kartaba lagu dhameeyo sida ugu habboon ee Nabadgalyo ah.”

Mujaahid Xasan waxa kale oo uu sheegay “Sidaynu u dhamaynaa wuxuu Sawir u noqonayaa Doorashooyinka innagu soo socda, Madashu wax badan bay ka digtay, Doorashada soo socotana baqe badan baa naga hayey, welina naga haya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu aad uga xunnahay innaga oo aan gaadhin Doorashadii Madaxweynaha inaynu Aragno in sidaa la iskugu qabto Guddoomiye laga yaabo inuu muddo yar ahaado Guddoomiyaha, waxaanuna rajeynaynaa in aanay fogaanin, waxaanuna labada Qolaba ka codsanaynaa in Tanaasul badan la isku sameeyo, oo xitaa haddii sida wax u jiraan loogu heshiin waayo si dhexe lagu heshiiyo.”

Mujaahidka oo hadalkiisa sii wataa waxa kale oo uu xusay “Waxa Dadku Su’aal gelinayaan, haddii Labada Xisbi ee laga yaabo inay Tartanka (Madaxtooyada) isku soo hor-fadhiistaan  ku heshiin waayaan 77 Qof oo Gacanta taagaya, sidaynu ugu heshiinaynaa Warqad lagu riday Sanduuq Madow.”ayuu yidhi.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here