Somaliya Oo Jamatay Dimoquraadiyadda Somaliland Ka Jirta Iyo Hambalyo Aqoonsi Ah Oo Ay Ka Soo Saartay Doorashadii Wakiiladda

0
580

Dawladda Somaliya oo jamatay Dimoquraadiyadda Somaliland ka hana qaaday iyo doorashadii halka cod lagu kala baxay ee ka dhacday golaha wakiilada Somaliland ayaa hanbalyo u dirtay Baashe Maxamed Faarax oo loo doortay gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya oo ku hadlaya afka dawlada Xamar ayaa isaga oo raacaya nidaamka laba dawladood iskugu hambalyeeyaan waxa uu Hanbalyo u diray Baashe Maxamed Faarax isaga oo la hadlayey warbaahinta kala duwan ee Somaliya.

Mr. Cismaan Jawaari ayaa Somaliland waxa uu ku amaanay hanaanka dimoquraadiyada Somaliland ka hanaqaaday isaga oo si gaar ah u hanbalyeeyey doorashada golaha wakiilada ee lagu doortay gudoomiye Baashe Maxamed Faarax.

Waa markii ugu horaysay ee Dawlada Somaliya hambalyo ka soo saarto doorashooyinka xorta ah ee ka dhaca Somaliland isla markaana ay qirto nidaamka doorasho wanaaga ee Somaliland ka jira iyada oo Somaliland u aqoonsan in ay tahay wadan la jaar ah oo hirgaliyey nidaamka hanaanka domiquraadiyada caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here