Sarkaal Ka Tirsanaa Jabhadda Ku Kacsan Dawladda Jabuuti Oo Warar Kala Duwan Ka Soo Baxeen Geeridiisa

0
461

Sida laga soo xigtay xubin ka tirsan guddiga Xuquuqda Aadanaha dalka Jabuuti waxaa xabsiga dalkaas ku geeriyooday Maxamed Axmed Jabha oo la sheegay in uu ka tirsanaa jabhadda FRUD ee mucaaradka dalka Jabuuti.

Mas’uulkan ayaa la sheegay in uu dhintay Salaasadii aynu soo dhaafnay, laakiin hadda uun la shaaciyay geeridiisa, iyadoo muddo dheer lagu warramayo in uu xabsiga ku jiray.

Dhinaca, kale Guddoomiyaha guddiga xaquuqda Aadaha ee dowladda Jabuuti Saleebaan Cumar Cudin ayaa VOA u sheegay in sarkaalkan ka tirsanaa Jabhada FRUD uu ku geeriyooday Cisbitaalka “’Ninkan Dhakhtarka ayuu yaalay oo daaweyn caafimaad ayaa u socotay, markii danbana halkaa ayuu ku geeriyooday’’ ayuu yidhi Guddoomiyaha guddiga Xuquuqda Aadanaha Jabuuti oo beeniyay in uu xabsiga ku dhintay Maxamed Axmed Jabha.

Guddoomiye Cuddin ayaa intaa daray in Salaasadii la soo dhaafay mar ay booqdeen xasbiga aanu ka mid aheyn maxaabiistii ay halkaa kula kulmeen iyadoo naloo sheegay ayuu yidhii in uu yaalo Cisbitaalka, halkaana lagu daweynayo.

Arintan ayaa imaneysa xili xabsiyada dalka Jabuuti la sheegay in ay ku jiraan siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan mucaaradka dalkaas kuwaa oo siyaabo kala duwan loo xidhay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here