Raila Odinga ‘’ Waan ka digeynaa in natiijada doorashada la faragaliyo

0
493

Hogaamiyaha mucaaradka ugu weyn dalkaasi Kenya ODM Rail Odinga ayaa ka digay in ku shubasho ay dhacdo doorashada la filayo in maalinta Talaadada ah ka qabsoonto dalkaasi Kenya.

Isaga oo wareysi siinayay taleefishinka Al Jazeera ayuu ku sheegay in xisbigiisu diyaariyay qorshe uu ugaga hortagayo in natiijada la farageliyo.

“Waxaa ay rabaan Jubilee in ay natiijada qiyaameeyaan,ma jirto wax kale oo ay sameyn karaan balse waan ku kalsoonahay in aan guul weyn ka gaareyno doorashada Talaadada dhacaysa.”ayuu yiri hogaamiyaha mucaaradka Kenya.

“Ma aqbaleyno isku day kasta oo lagu qiyaameynayo in shacabka Kenya.”ayuu sii raaciyay Odinga.

 Uhuru Kenyatta oo toddobaadkii la soo dhaafay khudbad ka jeedinayay meel fagaare ah ayaa beeniyay in ay doonayaan in ay ku shubtaan doorashada oo ay qiyaano sameeyaan,balse waxa uu ku eedeeyay mucaaradka inay doonayaan qorshe lagu dhiso dowlad wadajir ah.

“ Mucaaradku waxaa ay waqtigooda ugu badan ku lumiyaan shirar jaraa’id iyo la dagaalanka guddiga doorashada hadda ayeey garowsdeen in ay guuldaro la kulmayaan oo doorashada loogaga horeeyo.”ayuu yiri Kenyatta.

In ka badan 19 million oo ruux ayaa isu diiwaangelisay in ay codkooda dhiibtaan doorasho guud oo ka dhacaysa dalka Kenya Talaadada soo socota

Raila Odinga oo horay dalka ra’iisal wasaare uga soo noqday ayaa lagu wadaa in tartan xoog leh oo dhinaca madaxtinimada uu la gallo doorashada Talaadada nagu soo foolka leh ee todobaadkan madaxweynaha xiligan ee dalkaasi Kenya Uhuru Kenyatta oo hogaamiya xisbiga Jubilee.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here