DAAWO YAABKAN: Xildhibaankii Shalay Haneeyay Kursiga Ugu Sareeya Wakiillada Oo Xalay Xilli Dambe Sheegtay Inuu Isagu Yahay Guddoomiyaha Xaqa Ah

0
512

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyanle) oo shalay u tartamay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, balse Tahniyadeeyey Baashe Maxamed Faarax oo ay Kursigaas ku tartameen oo Shir-guddoonku sheegay inay hal cod ku kala guulaysteen, ayaa Shir Jaraa’id oo uu xalay ku qabtay Hargeysa ku sheegay inuu yahay Guddoomiyaha la doortay ee helay 39-ka Cod.

Cabdiraxmaan Talyanle oo mar-dhawayd oo Caawa ah Warbaahinta la hadlay ka dib Kulan uu Xildhibaannadii u codeeyey la yeeshay, ayaa sheegay inuu yahay Guddoomiyaha Sharciga ah ee Golaha Wakiillada, loona baahan yahay inuu Baashe aqbalo xaqiiqada soo baxday.

Waxaannu
Cabdiraxmaan Talyanle oo arrimahaas sharraxaya iyo Xaqiiqada uu haysto ee Kursigii uu Tahniyadeeyey Ninkii loogu dhawaaqay hadda isagu u sheeganayo, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here