Hirdanka Doorashadda Madaxweyne Ku Xigeenka Khaatumo Oo Buuhoodle Ka Istaadhantay Iyo Kooxda Cali Khaliif Oo Dalbaday Adkaynta Amaanka

0
447

Maamulka Khaatumo ayaa shaaca ka qaaday xiliga rasmiga ah ee ay dhacayso doorashada Madaxweyne ku xigeenka oo kursigiisu banaan yahay ka dib markii baarlamaanku xilka ka qaaday Madaxweyne ku xigeenkii Cali Khaliif ku xigay oo xamar u dhaameel doontay.

 Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Khaatumo Maxamuud Sheekh Cumar Xasan ayaa shaaca ka qaaday in labaatanka bishan lagu jiro loo asteeyey maalinta doorashada Madaxweyne ku xigeenka maamulka Khaatumo isla markaana loo baahan yahay in ay is diiwaan galiyaan xubnaha jagadan u tartamayaa waxaana uu yidhi. “Maanta (Shalay) oo bishu tahay 5 bishii 8aad 2017-ka aanu iclaaminay una mudaynay ilaa 20-ka bishan maadaama duruufo adagi jiraan iyo hawlo badani in cidkasta oo danaynaysa oo isku soo sharaxaysa arintaa aanu gudi u qabanay ay araajida iyo codsiyada ku soo hagaajinayaan gudida aanu iclaamin doono si doorashadaasi ay xaq ugu dhacdo mudo 15-casho ah oo manta laga bilaabo ugu danbayna hawshaasi inaga dhamaato 20-ka bisha.”

 Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Khaatumo waxa uu ku dhawaaqay magacyada xubnaha gudida maamulaya doorashadan oo ah mid xaasaasi ah isla markaana si wayn loogu dhegtaagayo amaankeedana aad loo adkeeyey waxaana uu yidhi isaga oo magacyada xubnaha ku dhawaaqayaa. “xubnaha gudida hawsha maamulaysa waxa ay kala yihiin Maxamuud Axmed Yaasiin, Maxamed Warsame, iyo Faarax Sabarey oo sadexduba ka tirsan xubnaha baarlamaanka ee Khaatumo oo noqon doona gudida maamulaysa doorashada xilka Madaxweyne ku xigeenka ee ka banaan maamulka Khaatumo waxaana la farayaa cid kasta oo xilkan u tartamaysa in ay doorashada u soo diyaar garoobaan soona buuxiyaan shuruudaha looga baahan yahay.”

Ugu danbayn Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Cali Khaliif waxa uusheegay in loo baahan yahay adkaynta amaanka waxaana uu u digay xubno uu sheegay in ay u soo diyaar garoobeen abuurista xasarad iyo colaad Buuhoodle ka dhacda waxaana uu yidhi. “Magaalada Buuhoodle oo ay ka jiraan Xasarado badan iyo dhibaatooyin badan iyo abaabul badan iyo kicin badan iyo been iyo walaacoo badan oo dad ku soo talogalay ay wadaan waxaan odhan lahaa danta guud in laga raacdo amniga magaalada hala dajiyo beenta iyo khiyaaliga gidaarada mad madow layskugu sheegayo waxaan odhan lahaa ha laga daayo.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Baarlamaanka Khaatumo Maxamuud Shekh Cumar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here