Dar-daarankii Siyaasi Duur Iyo Doobridashadii Wasiirka Madaxtooyadu Ku Fasiray Qorshaha Uga Meelyaala Doorashada Ee Oofwareenka Ku Noqotay Mucaaridka

0
413

Hotel Maansoor waxaa weedho duurxul siyaasadeed ku dhex mareen ExWasiirkii arrimaha gudaha ee Somaliland Maxamed Nuur  Caraale Duur oo ka tirsan xisbiga WADDANI iyo wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi Ugu horeyna siyaasi duur oo madal kulmisay qoorweynta Somaliland ka jeediyey weedho ubadnaa dar-daaran nabadeed ku wajahan doorashada dalka ee fooda inagu soo haysa ayaa yidhi isla markaana Somaliland lagu eegayo qaabka ay doorashada madaxtooyada ugasho” waxaynu ku jirnaa kal-kala guura waana iga dar-daaran waxaan soo maray baana ixasuusinayaa waalayna eegayaa maanta waxaa la eegayaa qaranka Somaliland wuxuu kago gudbo doorashada  wanaagiisa iyo sharaftiisu halkan ayey ku xidhan tahay inagaa iskala gurnee ma badnin  ehel baynu isku nahay sidii wasiirkii koobaad sheegay saddexda inane e tartamayaa waa walaalo dhamaan shacbiga somalilandna waa walaalo waxaa la eegayaa sidaa aynu gododaa uga baxno waxaa ina eegaya cadowgeena ka ina jecelina wuu ina eegayaa cidwaliba weyna soo eegaysaa marka aynu halkan wadda joognana waaba intan maanta waxaan is idhi haddii intiinan halkan joota laydin qabto yaa idiin hadhi doona waxaan xasuusinayaa saddexda murashax wey fadhiyaan waana waayeel da,ah  wixii umusha udan ah ayaa ilmahana udan ah waxa murashaxa udan ah ayaa qofka kali ah ee muwaadin ka ahna udan ah waa nabad dar-daarankaygu gaar waxaan ufarayaa  ciidamada qaranka ee halkan fadhiya ciidamada qarankow waxaynu hawlku jirno ee xisbiya ee siyaasad ah calan ah ee kala duwanaan ah ee qabyaalad ah hadaad inala gashaan qarankii waa dumay waxaa qaranku ku badbaadayaa markaad gaar iskaga taagtaan ee ninkastoo xadgudba magacuu yeesho iyo muuqaalkuu yeeshaba markaad gacanta qabataan ayaa qaranku ku badbaadayaa wuxuumada waa udan madaxweynahayagii waxaa udan ah saddex bilood baa udhahay ilaahay cimrigiisa iyo caafimaadkiisaba ilaahay haw hagaajiyo  madaxweyne niyad wanaagsan oo qalbi wanaagsan oo kibir ku jirrin oo nabad jecl weeye  masuuliyiinta ku xeerana waxaa la eegayaa sidaad uga saartaan ee qalinka udhiibo”

Weedhihii siyaasi duur waxaa si adag uga jawaabay wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo siyaasi duur dib uxasuusiyey wakhtigii uu wasiirka arrimaha gudaha ahaa wuxuuna wasiir Maxamuud Xaashi ka waramay siyaasada uga meel-taala doorashada “ ninkani waa wasiirkii arrimaha gudaha ee Somaliland culeyska doorashada iyo xilka saaran buu garanayaa waliba wuxuu maamulay doorashadii golayaasha deegaanka oo xanaf badan iyo xanuun badani ka soo gaadhay Nusdambeed odhan maayee waa xidhihii cabdiraxmaan cirro  Muusena Anigaa uxidhe ah axmed siilaanyona wey ka go,an tahay  axmed siilaanyo mar waa dhex marna waa dhinac. Mar waa dhex oo qaranka oo dhan dhex buu uyahay  in doorashadaasi si wacan uqabsoonto taariikhdiisa ayey ku suntan tahay ragayaga kaaliyaasha ahna wey ku suntan tahay ee la shaqeeya ee midigdigta u ah waxaa ka go,an in doorasho cadaalad udhaxda waa masuuliyad saaran.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here