Boqor Buurmadow Oo Baalasha La Kala Baxay Kuna Doobyey In Muuse Biixi Aanu Wali Beesha Bariga BURCO Ku Soo Wareejin Mansabkii Guddoomiyaha KULMIYE

0
442

Boqor Cismaan Muxumad Aw Buur-madow oo ka mid ah haldoorna madax dhaqmeedka Somaliland oo madal xaflad ahayd hadal kaftan ah ka jeedinayey ayaa badka keenay in beesha uu ka soo jeedo ee Bariga Burco la qabsatay cayda Kursiga ee shacabka Somaliland u jeediyeen iyo sidoo kale Wiilka hadba Madaxweyne Sodoga u yahay oo uu sheegay in uu ka soo jeedi doono Beesha Bariga Burco sadexda xisbina ay la xididi doonaan mar hadii ay kursiga Madaxweynaha wareejin doonaan.

Boqor Cismaan Buur-madow sidoo kale waxa uu sheegay in aanay wali haynin beesha uu ka soo jeedaa Kursigii Gudoomiyenimada xisbiga Kulmiye oo hore siyaasiyiinta loo tuhmayo in ay ku tartamayaan ay beeniyeen in xiligan lagu tartamayo kursiga Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye.

Ugu horayn Boqor Buurmadow oo sheegaya in ay la qabsadeen cayda kursiga ama wiilka Sodoga loo yahay ee shacabka Somaliland sida wayn u falanqeeyaan ayaa waxa uu yidhi. “horta ilmaadeerayaal anaga waxa noo sharaf ah in reerkii Saldanada inoo ahaa inaan isku ardaa noqono waa lagu faani jiray madaxda in lala xidido hada waynu isku caynaa oo Madaxweynaha ninka ka guursada waa la caayaa xoogaa dhaqankii oo la bedelay weeye waxa weeye anagu booskaa waanu la qabsanay sadexdii xisbi waa yimaadeen mar hadii Suldaankii guud ee aanu wadnay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir aad ka timaadeen inanta waanu garanaynaa oo xisbiga UCID ayaa na siiyey Faysal Cali Waraabe ayaa galbinayey ama nagu caaya ama Morgano nagu sheegoo Madaxtooyada ka bixi mayno waanan la qabsanay caydana noo kordhiya.”

Sidoo kale Boqor Buurmadow waxa uu sheegay in xisbiga Waddani oo uu afar sano la socday in ay beesha Bariga Burco u diideen gabadhii laga sugayey halka aanay wali wax gabadh ah ka haynin Murashaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo beeshiisa waxaana uu yidhi. “anigu waan sahan tagayoo Waddani ayaan tagayoo afar sano ayaan la socdayoo Duurbaa igaga daba yimi oo saaxiibkay ah gabdhihii aanu doonay wuxuu yidhi Muuse Cabdale-ba waxba ma dheera waan ka imi qoladii aanu xil wadaagta ahaydna wali Gudoomiyihiina dee Habar-jeclo sanadkan waxba ma haysee Kursigiina waanu wareejinaynaa oo waanagaa faraha ku sidnoo sadex bilood ayaa hadhayee Odaygiina gabdhihii iyaga ayaa ka guursanaya Gudoomiyihiina wali ma hayno Gabadhiina ma hayno horta waxaad ogaataan xisbigii UCID manta in uu gabadh noo keenay Madaxtooyadana ka bixi mayno Markhaati intaa ka ahaada.” Ayuu yidhi Boqor Cismaan Buurmadow.

Hadalka Boqorka ayaaa ahaa sarbeeb hadal oo macnooyin badan loo sameeyey isla markaana si wayn loo falanqeeyey waxaana uu si dadban u sheegay in beeshiisu baadi goob ugu jirto hanaankii ay ku fadhiyi lahayd aqalka Madaxtooyada waxaana uu sidoo kale ka sanqadhiyey baadi goobka kursiga Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here