Al-shabaab ayaa soo bandhigtay mid ka mid ah gadiidkii olalaha doorashada madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ee xisbiga Jubilee oo todobaad ka hor la sheegay in laga qafaashay gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Al-shabaab ayaa gaarigan oo ay la socdeen qaar ka mid ah shaqaalaha olalaha doorashada xisbiga tallada haya ee dalka Kenya waxaa ay u galleen waddada taasoo u suurtagalisay in ay gacanta ku dhigaan.
Muuqaalka gaariga la soo bandhiga oo ahaa mid Casaan ah ayaa waxaa ku xiran calanka Jubilee iyo sawirka xildhibaan Maxamed Ibraahim Mohamed.
Xoogag Kenyan ah ayaa oo ku hadlaya luqada Sawaaxilaga ayaa ka soo muuqday muuqaalkan, waxaa ay saarnaayeen dusha sare ee gaariga la soo bandhigay.
Hay’addaha amniga dalka Kenya ayaa ka digay weeraro ay geysan karaan kooxaha argagixisada inta lagu guda jiro doorashada oo ku beegan maalinta Taladaada ah ee todobaadkan